Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday digniin culus oo ku saabsan dagaalka Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Du.jpg?resize=600%2C338&ssl=1

Dowladda Puntland oo qoraal rasmi ah soo saartay ayaa ku dhawaaqday in ay qorshaysay hawlgal culus, oo ay weheliyaan duqeymo waaweyn, kaasi oo lagu dhammaystirayo firxadka yar ee ka harsan mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Taliska ciidamada difaaca Puntland ayuu ku shaaciyay hawlgalkan xooggan, waxaana uu digniin u jeediyay reer guuraaga ku nool buuraha Calmiskaad, kuwaasi oo dowladdu ku wargelisay in ay mudda 24 saac gudahood ah isaga baxaan nawaaxiga dhulka uu ka socdo hawlgalka afjaridda firxadka argagixisada.

“Iyadoo wejiga saddexaad ee Hawlgalka lagu sifeynayo Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmiskaad uu marayo meel gebogebo ah, lana qorsheeyay bilowga duqeymo waaweyn iyo hawlgalo baacsiga iyo soo afjarida firxadkooda, waxaan dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan buuralayda Calmiskaad ku wargelinaynaa 24-saac gudahood in ay isaga fogaadaan deegaannada u dhow dhulka hawlgalku ka socdo iyo meelkasta oo ay u cararto Argagixisadu.”

“Waxaan si dhow ula soconaa in firxadka Argagixisada Daacish oo ka cararaya Hawlgalada cirka iyo dhulka in ay isku dayayaan in ay ku dhex dhuuntaan dadka shacabka ah ee reer guuraaga ah. Sidaasi darteed waxaa laga rabaa dadkeenna reer guuraaga ah in ay ka fogaadaan dhulkaasi hawlgalada ka socdaan (24saac gudahood” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday digniin culus oo ku saabsan dagaalka Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this