Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa maxay Madasha Madaxweyne Xasan uga qeyb galayo dalka Turkiga?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qaybgalayo Meertada 4aad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya (Antalya Diplomacy Forum 2025).

Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyey si diirran, iyadoo munaasabaddaasi ay isugu imaanayaan madaxda caalamka, siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha caalamiga ah.

Ujeeddada shirka ayaa ah in la xoojiyo wadashaqeynta caalamiga ah, lana dhiirrigeliyo xallinta khilaafaadka iyo iskaashi horumarineed oo waxtar leh.

Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu kulammo gaar-gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda dowladaha iyo wufuudda ka soo qeybgaleysa madasha, isagoo diiradda saaraya xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale, iyo arrimaha amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Safarkan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee ku aaddan kobcinta xiriirka caalamiga ah iyo ka miro-dhalinta danaha qaranka Soomaaliyeed.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this