Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xafiiska Xamza oo qodobo ka soo saaray safarka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed u uku tegayo Laascaanood, waa booqasho qeyb ka ah ‘dadaallada xukuumadda Xamsa ee nabadda, midnimada, iyo horumarinta dalka’ sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan adag oo ay ku ilaalineyso midnimada dalka, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si dhow ugu kuur-geli doona xaaladda dhabta ah oo ay ku noolyihiin bulshada ku dhaqan deegaanada SSC Khaatumo.

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay Xamza Cabdi Barre uu booqashadaan diiradda ku saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, six al waara loogu helo duruufaha ay la tacaalayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada SSC Khaatumo.

Masuuliyiinta SSC Khaatumo ayuu Xamsa Cabdi Barre la kulmi doonaa inta uu ku sugan yahay Laascaanood, sidoo kale wuxuu la kulmayaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ay shaacisay xukuumaddu.

Hormarka deegaanka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira ayaa diiradda lagu saari doonaa safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ee Laascaanood, nabadeynta deegaanka iyo mideynta bulshada ayaa saldhig looga dhigi doonaa wax kasta.

Xamza Cabdi Barre, ayaa Laascaanood ka dhagax-dhigi doona, kuwa la hirgeliyana xarigga ka jari doona, sida lagu shaaciyey faahfaahinta xukuumadda ee safarkaas.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an in guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan adeegyo tayo leh” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this