Sign in to follow this  
Deeq A.

Dafle: Aas-aasihii Sirdoonka NISA oo geeriyooday iyo Fahad Yaasiin oo xog culus bixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa geeriyooday aas-aasihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Jeneraal Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) siyaasigii ugu saameynta badnaa qaaradda Afrika sanadihii lixdamaadkii, sidoo kalena ahaa saraakiishii ugu xukunka adkeed dowladdii kacaanka ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Isagoo ah nin da’a ah ayuu caawa geeriyooday Dafle, muddo dheer ayuu ka soo shaqeynayey Hay’adda NISA, isagoo ahaa Agaasimihii aas-aasay, sidoo kale wuxuu door cajiib ah ka soo qatay dagaaladii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya iyo xornimada dalal badan oo Afrikan ah.

Fahad Yaasiin oo NISA Agaasime ka soo noqday ayaa kamid ah dadka ka hadlay geerida Dafle, wuxuuna sheegay inuu la yaabay xogtiisa markii uu ugu tegay Taliska NISA ee Habar-Khadiija, isagoo sheegay inuu ugu magac daray Masjid laga dhisay xarunta NISA.

“Aasaasihii koowaad Sirdoonka Soomaaliya Dafle, wuxuu mar ahaa siyaasigii ugu saamaynta badnaa Qaarada Afrika, isagoo sabab u noqday xornimada tiro ka 10 dal oo Afrikaan ah, loollankii dagaalkii qaboobaa wuxuu udub dhexaad u ahaa tartanka labadaas quwadood ee Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta qaarkeed” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Wuxuu sheegay in awoodda Sirdoonka Soomaaliya uu gaarsiiyey heer ay ka war qabeen nolosha ka jirtay guriga Mingistu Xayla Maryam-kii Itoobiya.

“Guulihii furimaha dagaalkii 1977-kii waxaa saldhig u ahaa in sirdoonku heli jiray xogta Ciidanka Itoobiya, Maskaxdii iyo farshaxankii uu ku dhisay Sidoonka Qaranka Soomaaliya ayaa weli lagu hoggaamiyaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in markii uu noqday Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, inuu arkay taariikhda uu Dafle ka tagay, isagoo yiri, “waxaan ugu magac daray Masjidka weyn ee xarunta Hay’adda ka dhisan – Allaha u naxariisto Axmed Saleebaan Dafle.”

Wasiirka Amniga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo isna ka hadlay geerida Jeneraal Dafle ayaa yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu ka baxay Allaha u naxariistee Jeneraal Axmed Saleebaan Dafle oo kamid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa, mudda dheerna u soo adeegayey dalkiisa, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira kuwa ciidan iyo maamul.”

Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

General Axmed Saleebaan Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya, sanadkii 1937-kii, waxaana 1971-kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey, intaan loo magacaabin xilal kale oo qaran, intii ay dalka ka talineysay Xukuumaddii Milateriga.

Burburkii dowladii dhexe kadib, Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafla) waxa uu ku noolaa dalka Eritrea, kadibna waxaa uu uga sii gudbay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka oo uu caawa ku geeriyooday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this