Deeq A. Posted Thursday at 07:40 PM Ka-naxsade ayaa dhacay siyaasiga maqaayadda ku dhex ooyay. Nayroobi (Faallo) — Dhowr toddobaad ka hor siyaasi Soomaaliyeed ayaa magaalo dal shisheeye ku taalla ku dhex baroortay. Goobtu waxay ahayd maqaayad weyn oo Soomaalidu ka shaahdo kuna fadhi-ku-dirirto. Mar uun buu si qeylo dheer u “booyay”. Dadka maqaayadda fadhiyay baa soo wada eegay isaga. Ninku wuxuu ahaa siyaasi dad badan ay yaqaannaan. “Hoodayeey, ba’ayeey, lay dhacyeey”. Dadka maqaayadda ku sugnaa waxay moodeen in qalinshubato ninka ku dhex boobtay maqaayadda. Dhowr nin baa aamusiyay ninka siyaasiga ahaa. Kaddib markuu in yar degay buu sheegay sababta uu maqaayadda ugu dhex baroortay. “Nin ganacsade ah ayaan lacag ku darsaday. Inuu khasaaray oo uusan waxba haysanin buu ii sheegay. Aniguse ma hubo waayo ninku dad hore ayuu sidaas u dhacay oo waan ogaa” buu ninka siyaasiga ahaa u sheegay dadka. In nin dadka lacagta ka urursada oo kaddib dhaca uu lacag ku aamminay baa yaab noqotay. Ninka siyaasiga ah laftigiisu lacagta uu ku darsaday ninka ganacsadaha ah (laakiin dad badan hadda u yaqaannaan ka-naxsade) waxay ahayd lacag booli ah. Lacag laga soo dhacay dadweynaha Soomaaliyeed. Yaabka kale wuxuu ahaa in ninka siyaasiga ahaa aan lagu aqoonin carrab li’ sababi karta inuusan karin ku dhawaaqista xarfaha qaarkood. Waxay filayeen inuu dhihi karay “hoogayeey ba’ayeey” halkii uu “hoodayeey ba’ayeey” ka lahaa markii uu gocday ka-naxsadihii afka iska mariyay boolidii siyaasigu u malaynayay inuu ka faa’iido karo. Nin maqaayadda ka qaxwaynayay ayaa kaddib sidan u fallooday: “Siyaasiga Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay inuu sito dejiye”. “Ma daawo oohinta bi’isa baa?” nin ag taagnaa baa ninka kale su’aalay. “Maya waa caagga carruurta afka loo geliyo marka ay ooyaan si loo dejiyo. Magaaladan waxaa looga yaqaannaa ‘pacifier’” ayuu ku jawaabay. © Puntland Post, 2025 The post “Siyaasiga Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay Dejiye” appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites