Sign in to follow this  
Deeq A.

Janeraal Axmed Suleymaan Dafle oo kamid ahaa shantii golaha sare ee kacaanka oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarreeye-guuto, Axmed Saleebaan Cabdalle (Dafle) oo kamid ka ahaa shantii Golaha-sare ee dowladdii kacaanka, sidoo kale ahaa asaasihii Hey’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NSS ayaa geeryooday caawa sida ehelkiisu ay xaqiijiyeen.

Janeraal oo muddo dheer ka tirsanaa madaxdii ugu awoodda badnayd dowladdii kacaanka, ayaa burburkii wixii ka dambeeyay ku noolaa qurbaha, wuxuuna ku geeriyooday da’da 88 sano.

Dafle wuxuu ku dhashay Burco sanadkii 1937-dii, asagoo aad u da’yar ayuuna ku biiray ciidamada qalabka sida, markii dambena wuxuu kamid noqday shantii nin ee dalka ugu awoodda badnaa, asagoo ahaa madaxweyne ku xegeen iyo Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka oo xilligaas loo yaqaanay NSS.

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ummadda Soomaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Sarreeye Gaas Axmed Saleebaan Cabdalle, asagoo ku tilmaamay halyey Soomaliyeed oo taariikhda baal dahab ah uga jira.

Inta badan madaxdii dowladdii kacaanka ayaa horay u geeriyooday, waxaana hadda shantii golaha sare hadda ka nool major General Ismaaciil Cali Obokor oo ahaan jiray madaxweyne ku xegeen iyo Guddoomiyaha baarlamaanka dalka intii u dhexeysay sanadihii 1971 ilaa 1982.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this