Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyay heshiis cusub oo lala soo galay waddanka…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar.

Heshiiskan ayaa ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, taas oo u oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka.

Golah ayaa looga warbixiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha qaranku deegaanno badan ka saareen Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo.

Sidoo kale waxaa la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardar-galiyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan xaqiijiyay xoojinta howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay guddi taakulada geesiyaasha dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this