Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta mashruuca marinka xiriirinaya Berbera iyo Addis Ababa ee qorshihiisu socdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa martigelisay shir muhiim ah oo lagu gorfeynayo horumarinta marinka ganacsi ee muhiimka ah ee isku xira dekedda Berbera (Somaliland) iyo magaalada Addis Ababa (Itoobiya).

Shirka waxaa ka qeyb-galay maayarro iyo mas’uuliyiin ka kala socday Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Somaliland. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd sidii dib-u-habeyn iyo horumarin loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, si loo fududeeyo ganacsiga, isu-socodka dadka iyo badeecooyinka.

Marinkan ayaa loo arkaa inuu yahay xariiq istiraatiji ah oo xoojin kara xiriirka dhaqaale iyo bulsho ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Faa’iidooyinka mashruuca iyo aragtiyaha mas’uuliyiinta

Injineer Shaafi Axmed Macallin, maayarka magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in marinkan uu xambaarsan yahay muhiimad weyn oo dhaqaale iyo istiraatiji ah, isagoo tilmaamay in uu fure u noqon karo isku xirka bulshada iyo kor u qaadidda iskaashiga gobolka.

“Waa mashruuc la isku hallayn karo oo wax weyn ka beddeli doona dhaqaalaha gobolka. Waxaa la rajeynayaa in dhammaan magaalooyinka uu marayo ay si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu yiri Injineer Shaafi oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu sidoo kale xusay in shirkan lagu falanqeynayo caqabadaha iyo fursadaha mashruuca, iyadoo jaamacadaha maxalliga ah, sida Jaamacadda Jigjiga, ay sameeyeen daraasado ku saabsan saameynta iyo faa’iidada uu leeyahay.

Dekedda Berbera iyo doorka Itoobiya ee gobolka

Mashruuca dhismaha waddada isku xirta Berbera iyo Addis Ababa ayaa bilowday sanadkii 2021, kaddib heshiis dhex maray shirkadda DP World iyo Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya.

Shirkadda DP World ayaa ku dhawaaqday maalgelin dhan $1 bilyan oo doollar, taasoo la qorsheeyay in lagu fuliyo muddo 10 sano ah si loo horumariyo kaabayaasha ganacsi ee marinka muhiimka ah.

Dekedda Berbera, oo shirkadda DP World si weyn u ballaarisay, ayaa kaalinta 165-aad kaga jirta dekedaha ugu sarreeya caalamka, sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Sidoo kale, waxay noqotay deked si weyn ula tartami karta kuwa kale ee gobolka Geeska Afrika.

Itoobiya, oo leh dad kor u dhaafaya 100 milyan, ayaa si weyn ugu baahan dekedo wax ku ool ah si ay uga soo dejiso badeecooyin iyo ugu dhoofiso wax soo saarka dalkeeda, sida bunka.

Inkasta oo Itoobiya muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha Jabuuti iyo Suudaan, haddana waxaa muuqata in ay dooneyso in ay balaadhiso xulashooyinkeeda, iyadoo qorsheyneysa in ay la wareegto saami ka mid ah dekedaha ay leeyihiin dalalka dariska ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this