Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo cashir loogu dhigay 2 gobol – Maxaa 24-kii saac ee tegay dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – 24-kii saac ee la soo dhaafay, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley waxay casharro lama ilaawaan ah u dhigeen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo geesiyaasha Xoogga iyo kuwa deegaanka ay Shabaabka ugu dhigeen cashir lama ilaawaan ah.

Deegaanka Aboorey

Argagixisada ayaa lagu gaarsiiyay khasaare culus, kaddib dagaallo dhowr jeer la isku noqday oo socday muddo saddex maalmood ah. Waa deegaanka keliya ee argagixisada lagu gaarsiiyay jabkii ugu cuslaa tan iyo muddooyinkii u dambeeyay, iyagoo cududdooda isugu geeyay halkaas.

Waxaa la sheegay in kooxdaasi ay halkaas keeneen ajaaniibtii ugu badneyd, kuwaas oo u badnaa Oromada.

Muhiimadda deegaanka Aboorey u lahayd argagixisada waxay ahayd laba ujeeddo: Marka koowaad, inay deegaankaas kaga tallaabaan dhanka Yasooman, halkaas oo ay ku taallo dhul buuraley ah si ay weerarro uga fuliyaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ka tirsan.

Marka labaad, in ay gurmad degdeg ah ka helaan dhanka galbeed, gaar ahaan jiinka webiga Shabeelle. Gurmadkooda wuxuu ka imaan karaa deegaanada galbeedka Hiiraan sida Buq-Aqable, taasoo muujineysa istiraatiijiyadda muhiimka ah ee deegaanka Aboorey u leeyahay kooxdaasi.

Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada qaranka iyo xoogagga xaq u dirirka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyay Al-Shabaab, oo dib u gurtay kaddib markii ay ku guuldarreysteen weerarkii rogaal-celiska ahaa ee ay markale ku soo qaadeen deegaankaas.

Dagaalka Aadan Yabaal

Shalay duleedka degmada Aadan Yabaal wuxuu ahaa goob ay argagixisadu isku dayeen inay ku yareeyaan cadaadiska ay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ku saareen Aboorey, si aysan u helin gurmad.

Labada dagaal oo isku waqti dhacay waxay muujinayaan sida sare ee uu u yahay mooraalka iyo isku xirka ciidamada. Saraakiishii hoggaaminaysay labada dagaal waxay muujiyeen adkeysi iyo dhiiranaan si ay u xaqiijiyaan ujeeddada dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa, iyo saraakiil kale oo ka tirsan XDS, NISA, iyo Macawiisley oo ku sugnaa Aboorey, waxay isku dhaarsadeen in argagixisada aan laga joojin xabbad iyo hub culus ilaa godadkooda laga soo saaro iyagoo meyd ah.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay, iyadoo dagaalka lagu xoojiyay diyaarado casri ah, kuwaas oo garab siinaya ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka si loo ciribtiro kooxaha argagixisada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this