Deeq A. Posted Thursday at 02:00 PM Kuwait (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta (Arab Monetary Fund – AMF) heshiis looga cafinayo dayn gaaraysa $306.5 milyan, tallaabo muhiim ah oo ay dowladda ku tilmaantay guul istaraatiiji ah oo kaalin weyn ka qaadaneysa barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka. Soomaaliya, oo muddo tobannaan sano ah la daalaa-dheceysay dagaallo sokeeye iyo burbur baahsan, ayaa hadda ku jirta dadaallo dib-u-dhis dhaqaale. Dhibaatada waxaa sii xumeeyay abaaro, fatahaado iyo weerarro xagga dalagga ah oo ayaxa geystay sannadihii u dambeeyay. Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallada socda ee Soomaaliya ay ugu jirto cafinta deymaha culus ee dalka ku dhacay tobannaan sano kahor, xilli uu burbur ku yimid hay’adihii dowladda kaddib markii uu billowday dagaalkii sokeeye sanadkii 1991. Intii u dhaxeysay, Soomaaliya waxay ka baxday nidaamka maaliyadeed ee caalamka, iyadoo aan lahayn awood ay ku maamusho daymaha ama ay ku hesho deeqo iyo maalgelin caalami ah. Sanadkii hore, Soomaaliya waxay ku guuleysatay in laga cafiyo 99% dayntii ay ku lahayeen waddamada xubnaha ka ah Paris Club – tallaabo lafdhabar u ahayd dadaallada ay ku dooneyso in ay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Heshiiska ay la gashay AMF—oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, islamarkaana hormuud u ah xasilloonida maaliyadeed iyo horumarka dhaqaale ee dalalka Carabta—ayaa salka ku haya dib-u-habayn lagu sameynayo deynta ay Soomaaliya ku lahayd sanduuqaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu AMF soo saaray. Balse, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin heshiiska. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay dadaallada Soomaaliya ee dhinaca cafinta daymaha, isla markaana uu yahay “tallaabo aasaasi u ah dib-u-xirirka Soomaaliya la leedahay sanduuqa.” Saxiixa heshiiskan oo Arbacadii ka dhacay magaalada Kuwait, ayaa sidoo kale “ka tarjumaya kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamka ay ku qabto jihada cusub ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib-u-habaynta.” Share this post Link to post Share on other sites