Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine oo sheegtay in ay qabatay askar u dhalatay Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

60e52ca7-9288-4375-ba16-73ba850e873e.jpg
Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba muwaadin oo Shiinaha u dhashay, kuwaasi oo u dagaallamayay ciidammada Ruushka ee gobolka Donetsk, bariga Ukraine, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi, Volodymyr Zelensky.

Talaadadii ayaa madaxweynaha Ukraine waxa uu tilmaamay in ay hayaan xogo muujinaya in tirada ciidanka Shiinaha ee ka barbar dagaallamaya ciidammada Ruushka ” ay laba qof ka badan tahay.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay in ciidammada Shiinaha ee ku sugan carrada Ukraine “ay su’aal gelinayaan mowqifka Shiinaha uu ka taagan yahay aaddan doorka nabadda” isagoo intaas ku daray in wakiillada shiinaha ee Kyiv loo yeedhay si sharaxaad loogu helo dhacdadan.

Eedayntan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay oo rasmi ah oo Ukraine u jeediso Shiinaha.

Ruushkuna ayaan ilaa hadda ka jawaabin xogta uu Zelensky soo bandhigay Arbacadii.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this