Sign in to follow this  
Deeq A.

Horaa Loo Yidhi; “Riyo haday dub leeyihiin dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Horaa Loo Yidhi; “RIYO HADAY DUB LEEYIHIIN DABADOODA AYAY KU QARIN LAHAAYEEN”

Dalka Waan Aqaanaa
Bahal Iga Da’ Waynoo
Dad Cun ihi Ma Joogee
Ma Dido Eh Harkoolow
Haygu Tumin Durbaanada
Iyo Daasadaha Madhan

Dawladda Muqdisho Xaalkeeda Waynu Og Nahay. Todobaadyadii Ugu Dambeeyay Afgooye Al Shabaab Baa Ka Qabsaday. Oo Weliba Soo Dhaafay Oo Ceelashii Biyaha U Soo Gaadhay. Ilaa Shalay Al Shabaab Muqdisho Ayay Hoobiye Ku Garaacayeen. Xasan Sheekh Oo Madaxwayne Isu Haystana Waa Tii La Ogaa Ee Muqdisho Dhexdeeda Jidgooyada Looga Galay. Nin Sigtay Ma Nabadgelin. Muqdisho Ayaa La Wada Joogaa Alshabaabna Waa Xaadir. Dhawaan Suuqyada Xamar Cadeey Ayaa La Is Dhex Baacsan Doonaaye Iga Qora.

Oo Heedhe Muxuu Daaran Yahay Horta Booqashada Khayre Ee La Inoo Buunbuuninayaa taniyo Shalay.? Hadii Aanu Nin Soo Qaxay Ahayn Xasan Sheekhna Ku Soo Dabajirin Anigu Maan Fahmin. Hadaa Ma In Laascaanood Ay Hiil Taraan Bay U Socdaan? Taa Dameero Loo Sheeg. Horaa Loo Yidhi RIYO HADAY DUB LEEYIHIIN DABADOODA AYAY KU QARIN LAHAAYEEN.
Somaliland Waa Dheeldheel Ee Safarka Khayre Wuxu Geeri Uga Dhigan Yahay Nimankii Shalay HIIL HARTI Ku Soo Dagaalgalay Ee Markii Sool clan Laascaanood Isku Hubsadayne WID La Yidhi Ee Majeerteen, Maantana Laga Dulbooday Dawladii Xasan Sheekh Oon Dabka La Kala Qaadan Loo Soo Horgalay. Anigu Baga Odhan Maayo Oo Waa Digasho

Cali Guray

Aragti Shakhsi Ah
Caligurey

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this