Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka madaxweyne Trump oo ka laabtay go’aan ka dhan ahaa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Trump ayaa dib u bilaabay gargaar cunto oo degdeg ah oo dhan $169.8 milyan oo la siinayo Soomaaliya, isagoo ka laabtay go’aan lama filaan ah oo hakiyay gargaarkaas – arrin cabsi badan ku abuurtay hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo la hadlay Reuters.

Lacagtan ayaa lagu maalgelinayaa barnaamijyo muhiim ah oo ay waddo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo ay ka mid yihiin nafaqeynta carruurta nafaqo darradu saameysay, bixinta raashiin gargaar ah, iyo adeegyada duulimaadka degdegga ah ee bani’aadannimo.

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dhowr dal oo si lama filaan ah loogu hakiyay gargaarka toddobaadyo ka hor, iyadoo tallaabadaasi qayb ka ahayd isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay siyaasadda gargaarka dibadda ee Mareykanka ee Madaxweyne Donald Trump.

Go’aanka degdegga ah ee dib loogu celiyay gargaarka, wax yar un ka dib markii la hakiyay, wuxuu muujinayaa cadaadis gudaha ah oo sii kordhaya iyo jahawareer hareeyay qaabka maamulka Trump u wajahayo arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

Sida ay sheegeen lix ilo-wareed oo arrintan si dhow ula socda, ugu yaraan lix barnaamij oo gargaar ah ayaa dib loo hawlgeliyay – oo ay ku jiraan barnaamijyada raashiinka ee Soomaaliya, Suuriya, Lubnaan, Urdun, Ciraaq iyo Ecuador.

Go’aanka dib-u-celinta ayaa lagu shaaciyay email gudaha ah oo uu diray ku-simaha ku-xigeenka aAgaasimaha USAID Jeremy Lewin, oo hore uga tirsanaa Waaxda Hufnaanta Dowladda ee uu hoggaamiyo Elon Musk.

Jahawareer gudaha ah iyo isbeddello degdeg ah oo ka jira USAID

“Waan ka xumahay isbeddelka badan ee abaalmarinnada,” ayuu Lewin ku qoray farriinta ay heshay Reuters. “Waxaa jira dhinacyo badan oo daneynaya arrimahan, waana in aan si wanaagsan u dheelitirnaa danta guud. Anigaa qaladka iska leh, mas’uuliyaddana waan aqbalayaa.”

Kooxda Stand Up for Aid, oo ka kooban saraakiil hore iyo kuwo xil haya, ayaa sheegtay in qandaraasyada WFP ee la joojiyay ee dalalka Lubnaan, Suuriya, Soomaaliya iyo Urdun ay gaareen in ka badan $463 milyan. Qaybta Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu wajahneyd taageero loogu talagalay bulshooyin nugul oo wajahaya cunto-yari ba’an.

Reuters ayaa horey u soo tabisay in maamulka Trump uu hakiyay barnaamijyo gargaar oo ka jiray in ka badan 12 dal — oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Yemen, Soomaaliya, iyo Suuriya — taasoo ka dhigan jaris ka badan $1.3 bilyan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa horay ugu oggolaaday qaar ka mid ah barnaamijyadaas inay helaan ka-dhaafis miisaaniyadeed, balse barnaamijyo badan ayaa si kedis ah loo hakiyay dhammaadkii toddobaadkaas.

Hay’adaha samafalka ayaa si weyn uga walaacay arrintaas. Isniintii, WFP ayaa ka digtay in jarista gargaarka cunnada ee degdegga ah ee 14 dal ay noqon karto “xukun dil ah” oo lagu riday malaayiin qof oo durba ku nool xaalad gaajo daran.

Gargaar dibadeed oo ay la socdaan shuruudo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda kama aysan hadlin markiiba dib-u-soo-celinta gargaarka, balse afhayeenkeeda Tammy Bruce ayaa markii dambe saxaafadda u sheegtay in maamulka Trump uu weli u heellan yahay gargaarka dibadda – inkastoo ay jiraan shuruudo.

Waxay sheegtay in Mareykanku uu hakiyay gargaarkii loogu talagalay Afgaanistaan oo ay xukumaan Taliban iyo Yemen oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, iyadoo laga baqayo in gargaarkaasi uu u faa’iideeyo kooxaha hubeysan.

“Barnaamijyo dhowr ah ayaa si qalad ah loo joojiyay, balse hadda waa la soo celiyay oo dib ayaa loo hawlgeliyay,” ayay tiri Bruce.

Si kastaba, dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in isbeddellada joogtada ah ee maamulka Trump ay muujinayaan dhibaato weyn. Maamulku wuxuu si weyn u jaray miisaaniyadda USAID — hay’adda u xilsaaran maaraynta gargaarka bani’aadannimo ee Mareykanka.

Bilyaanno dollar ayaa laga jaray tan iyo markii uu Trump mar labaad xafiiska la wareegay bishii Janaayo, iyadoo go’aannadaas ay inta badan ahaayeen kuwo aan laga fiirsan oo ay hareeyeen isbeddello degdeg ah iyo jahawareer gudaha ah.

Xildhibaannada Dimuqraadiga ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka ayaa warqad ay u direen Xoghayaha Rubio ku muujiyay walaac, iyagoo si adag u dhaleeceeyay qorshaha lagu doonayo in lagu hoos geeyo USAID Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo ay ku tilmaameen “mid dastuuri-darro ah, sharci-darro ah, aan caddaalad ahayn, waxyeello leh, isla markaana aan habboonayn.”

Waqtigan xaadirka ah, barnaamijyada gargaarka degdegga ah ee cunnada Soomaaliya waa la soo celiyay. Hase yeeshee, hubanti la’aanta ka taagan gargaarka Mareykanka ayaa weli jirta — iyadoo malaayiin qof ay wali ku sugan yihiin xaalad mugdi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this