Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamuud Yuusuf Cali oo bah-dilay safiirka Israa’il ee Itoobiya – Sidee wax u dhaceen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya ayaa laga saaray kulan uu qabanaye Midowga Afrika toddobaadkan, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid liddi ku ah sharafkiisa.

Mas’uul Israa’iili ah oo la hadlay wakaaladda wararka Associated Press Arbacadii ayaa sheegay in safiirka laga saaray xafladda sannadlaha ah ee lagu xusayo xasuuqii Rwanda ee 1994, kaddib codsi uu bixiyay guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Afrika, Maxamuud Yuusuf Cali, oo ka soo jeeda Jabuuti.

“Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika wuxuu doortay inuu madasha kusoo daro arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah Israa’iil,” ayuu yiri safiirka Israa’iil, Avraham Nigusse, oo Talaadadii ku baahiyay hadalkan baraha bulshada. Waxa uu intaas ku daray in dhacdadani “muujinayso faham la’aan qoto dheer oo laga qabo taariikhda dadka Rwanda iyo Yuhuudda,” isagoo xusay in uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Rwanda.

Afhayeen u hadlay Maxamuud Yuusuf Cali, oo hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, kama jawaabin codsiyo dhowr ah oo la xiriiray faallo laga sugayay. Maxamuud ayaa xilka guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika la wareegay bishii Febraayo, isagoo mudda-xileedkiisu yahay afar sano.

Diblomaasi ka tirsan Midowga Afrika oo la hadlay warbaahinta Arbacadii ayaa sheegay in safiirka Israa’iil laga saaray munaasabadda maadaama aysan hadda haysan xubinimadii “goobjooge” ee hay’adda, taasoo xarunteedu tahay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.

Isra’iil waxay dib u heshay maqaamka goobjooge ee Midowga Afrika sanadkii 2021, labaatan sano kaddib markii laga qaaday, sababo la xiriiray khilaafkeeda kala dhaxeeya Falastiiniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2023 ayaa mar kale la hakiyay, iyadoo arrintaas loo gudbiyay guddi madaxda Afrika ka kooban si dib u eegis loogu sameeyo.

Guddigaasi weli ma uusan soo saarin go’aan kama dambeys ah. Bishii Febraayo ee sannadkii hore, diblomaasi sare oo Israa’iili ah ayaa sidoo kale laga saaray shir-madaxeedkii Midowga Afrika, kaddib markii lagu helay inuusan haysan aqoonsi rasmi ah oo u oggolaanaya ka qeybgalka.

Midowga Afrika wuxuu xiriir dhow la leeyahay Falastiiniyiinta, iyadoo madaxda Falastiin marar badan lagu casuumo inay khudbado ka jeediyaan shirarka waaweyn ee ururka.

Bishii hore, Israa’iil waxay jebisay xabbad-joojin waxayna dib u billowday duullaankeeda milatari ee Gaza. Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 50,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka, tan iyo weerarkii ay kooxda Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023.

Koonfur Afrika, oo ah dal xubin ka ah Midowga Afrika oo miisaan weyn ku leh, ayaa dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), iyadoo ku eedaysay xasuuq ay ka geysatay Gaza. Israa’iil ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, waxayna ku tilmaantay kuwo “laga xumaado oo been abuur ah.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this