Deeq A. Posted April 10 Jigjiga (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa maanta loo doortay hoggaanka sare ururka ONLF, kadib kulan ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida, Itoobiya oo ay isugu yimaadeen xubnaha ururka. Golaha Dhexe ee Xisbiga ONLF ayaa xilkan u doortay Qalb-Dhagax, iyaga oo xilkii guddoomiyenimo ka qaaday Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo ay ujeediyeen eedeymo culus. Faafin rasmi ah oo kasoo baxday ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiyihii hore uu jabiyay xeer-hoosaadka xisbiga, isla-markaana uu farogelin ku sameeyay habraaca go’aan qaadashada, uuna sidoo kale khatar geliyay badqabka xubnaha xisbiga. Intaas kadib, Cabdikariin Qalbi-dhagax oo ahaa ku xigeenka guddoomiyaha ayaa loo doortay xilkan isaga oo sii hoggaamin doono ONLF ilaa laga gaarayo shirweynaha guud. Sidoo kale ururka ayaa hoosta ka xariiqay in mowqifkiisa uu weli sidiisii yahay, uuna taageersan yahay heshiiskii nabadeed ee 2018-kii, kaas oo ay ku tilmaameen tiirka nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan ismaamulka deegaanka Soomaalida. Qalb-dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF ayaa lagu xasuustaa sida uuu ugu dagaalamay ururkan, iyada oo xittaa mar dhexe ay dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo ay u dhiibtay Itoobiya, arrintaas oo dhalisay walaac xoogan, waxaana mar dambe uu dib u helay xoriyaddiisa, kadib isbeddallo ka dhacay dalka Itoobiya. Isbeddalka haatan lagu sameeyay hoggaanka sare ee ONLF ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda xiisad xoogan kala dhexeyso maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ay isku hayaan arrimaha maamulka ee dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya. ONLF ayaa dhowaan Cagjar ku eedeysay waxqabad la’aan iyo fadhiidnimo, taas oo uu jawaab adag ka bixiyay isagoo ganafka ku dhuftay eedeynta loo jeediyay, Sidoo kale wuxuu dhankiisa ONLF ku tilmaamay koox macangag ah oo dulqaad yar, sida uu hadalka u dhigay. “Baahiyaha shacabka Deegaanka haysta way badan yihiin, marnaba dowladdu kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarka ee shacabku qabaan. Waxay ka jawaabaysaa kuwa ay u aragto in lagu wajihi karo tabarta la haysto,” ayuu yiri Cagjar. Si kastaba, ONLF ayaa si guud saluug uga muujisay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida labada dhinac oo horay u yeeshay wada-hadallo looga hadlay xiisadda dhexdooda ah. Share this post Link to post Share on other sites