Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo gashay xaalad adag, kadib arrin culus oo soo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda gargaarka ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhowaaqday xaalad adag oo ka taagan deegaannada maamulkaasi, taas oo sababtay barakac, dhimasho xoolo, iyo kororka cudurrada la xiriira biyo la’aanta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in abaar baahsan ay ku dhufatay guud ahaan Puntland, isla markaana xaalado adag ay ka jiraan dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulkaasi.

Qiimeyn la sameeyay ayaa sidoo kale muujinayso xaalad degdeg ah oo ku saabsan nafaqo-xumada sii kordhaysa gaar ahaan haweenka iyo carruurta ee Puntland.

Wasaaradda ayaa soo saartay baaq deg-deg ah, si wax looga qabto xaaladaha bani’aadanimo ee hadda ka soo kordhyay Puntland-Soomaaliya.

“Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada puntland taas oo sababtay biyo la’aan baahsan oo  saamaysay dhammaan gobolada iyo deeganada puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxa ay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Puntland farriin culus u diray hay’adaha samafalka oo ay ugu baaqday inay qaataan doorkooda, una gurmadaan qoysaska ay soo wajahday xaaladda nololeed ee ku dhaqan maamulkaasi.

“Wasaarada ayaa ugu baaqayso hay,adaha bah-wadaagta la,ah ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada inay ka wada qayb qaataan sidii gargaar biyo dhaan ah loogu samayn lahaa dadka ay saamaysay abaartu” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Wasaaradda ayaa ku hawlan sidii looga  looga hortagi lahaa khataraha ka dhalan kara abaaraha iyo biyo yarida ee ka jira deegaanada Puntland”.

Puntland ayaa markii hore ku jirtay xaalad dagaal oo ka dhan ah Daacish, waxaana kusoo darsoomay mid bani’aadanimo oo saameynteeda laga dareemay maamulkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya oo dhan ayaa lasoo warinayaa inay ka jirto abaar daran, waxaana di’in roobkii la filayay, taas oo uga sii dartay kuleelka iyo abaarta jira.

FB_IMG_1744215674419.webp?resize=696%2C9

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this