Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibka dhalinyarada Puntland oo xargaga goostay waayadan danbe

Recommended Posts

Deeq A.   
7935824-12333948.jpg?resize=660%2C371&ss

Tahriibta dhalinyarada oo shaqo la’aan ka cabanaya ayaa dhawaanahan si weyn xargaha u goosatay guud ahaan degaannada Puntland.

Shabakado qarsoodi ah oo ka shaqeeya tahriibinta dhalinyarada ayaa la sheegaya in ay tobanaan dhalinyaro ah oo shaqa la’aani ku dhacday in ay ka tahriibiyeen degaannada Puntland, taasi oo walaac ku abuurtay waalidiin badan.

Kooxaha dhalinyarada tahriibiya oo farsamooyin kala duwan isticmaala ayaa waayadan aad u soo xoogaystay, waxaana ay duufsadeen dhalinyaro badan oo shaqo iyo nolol raadinaya, balse safarkooda kaddib la kulma tacaddiyo aysan weligood ku riyoon.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo arrintaasi tahriibta dhalinyarada ka hadlay ayaa sheegay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta, oo ay ku caddaato falal tahriibin ah, islamarkaana ay mutaysan doonaan xabsi iyo ganaaxyo kale.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sidoo kale shalay sheegay in ay garoonka diyaaradaha Garoowe ka qabteen gabar si qaldan loo tahriibinayay, taasi oo dib loogu celiyay qoyskeeda lagana badbaadiyay safarkaasi halista badan.

PUNTLAND POST

The post Tahriibka dhalinyarada Puntland oo xargaga goostay waayadan danbe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this