Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Israa’iil U Jooga Itoobiya oo Laga Saaray Kulan Lagu Xusuusanayay Xasuuqii Ruwaanda

Recommended Posts

Deeq A.   
1000011944-1.jpg?resize=1000%2C1366&ssl=Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya Avraham Neguise ayaa laga saaray xarunta Midowga Afirka oo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay xasuuqii Ruwada ee 1994kii.

Addis Ababa  (Wararka PP) — Safiirka Israa’iil u  fadhiya Itoobiya Avraham Neguise, ayaa laga saaray xarunta Midowga Afirka oo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay xasuuqii Ruwada ee 1994kii. Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Israa’iil ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Yuusuf uu ka hor yimid in safiirka Israa’iil ka qeybgalo xuska lagu xusuusanay xasuuqii isir suulinta ahaa ee ka dhacay Ruwanda 1994kii. Ma aha markii kowaad oo safiir ka socda Israa’iil loo diiday inuu goobjoog ka ahaado  munaasabad ka dhacaysa xarunta Nelson Mandela ee Midowga Afrika ku taalla Addis Ababa.

1000011932.jpg?resize=1000%2C682&ssl=1Xubnaha Ururka Midowga Afirka waxay isku raacsan yihiin xal laba dal oo u oggolanaaya Falastiin inay dal noqoto.

“Israa’iil waxay Gaza ku xasuuqday in ka badan 60,000 oo Falastiiniyiin ah. Waa wax yaab leh in Safiirka Israa’iil isku dayay inuu ka soo qeybgalo munaasabad lagu xusuusanayay dadkii lagu laayay xasuuqii Ruwaanda 31 sano kaor, maanta oo Israa’iil ay waado xasuuqa dadka reer Falastiin” ayuu yiri diblomaasi Afrikaan ah oo goobta joogay.

Inkastoo ay Israa’iil xiriir diblomaasiyadeed la leedahay dhowr dal oo qaaradda Afrika ka tirsan, hase ahaatee marnaba kuma kuu guuleysanin inay dib u soo hesho martabaddii goobjoogenimada ay ku lahayd Midowga Afrika oo la joojiyay 2023kii.  Xubnaha Ururka Midowga Afrika waxay isku raacsan yihiin xal laba dal oo u oggolanaaya Falastiin inay dal noqoto halka Isra’iil iyo dalalka taageera gumeysigeeda iyo dhulballaarsigeeda ay taageeraan in dadka Falastiin aysan yeelanin dal u gaar ah.

 © Puntland Post, 2025

The post Safiirka Israa’iil U Jooga Itoobiya oo Laga Saaray Kulan Lagu Xusuusanayay Xasuuqii Ruwaanda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this