Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo maanta dhisay hay’ad qaabilsan Aqoonsiga dadweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?resize=960%2C534&ssl=1

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta soo saaray xeer madaxweyne oo ku saabsan dhismaha hay’adda Aqoonsiga dadweynaha Puntland ee (PID).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Deni oo ku taariikhaysan 9 April 2025 ayaa lagu dhisay hay’ad cusub oo dowladda Puntland u qaabilsan Aqoonsiga dadweynaha Puntland, taasi oo magaceeda loo soo gaabiyo PID.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04 ee 9-Ka April 2025 kuna saabsan Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID)” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland.

Dhismaha hay’addan cusub ayaa la go’aamiyay, kaddib markii madaxweyne Deni uu arkay baahida loo qabo in la helo hay’ad qaabilsan Aqoonsiga dadweynaha Puntland, islamarkaana uu tixgeliyay soo jeedinta wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo maanta dhisay hay’ad qaabilsan Aqoonsiga dadweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this