Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: New President to be elected by 550MP's at the end of this week

Recommended Posts

M/weynaha cusub ee Somaliya oo la dooran doono maalinta Jimcaha, Sabtidana la dhaarin doono

 

Jabuuti, Jabuuti (Calanka.com) 27-Janaayo-09

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aan si hoose ku helnay ayaa sheegaya in maalinta Jimcaha ah la dooran doono m/weynaha cusub ee qaranka Somaliya kaasoo maalinta xigta ee ee Sabtiga ah lagu dhaarin doono isla magaalada Jabuuti.

 

Shalay oo taariikhda ku beegneyd 26/janaayo ayaa waxaa uu baarlamaanka dowladda federalka si buuxda u ansixiyay in xildhibaanada garabyada TFG iyo ARS la isku daro islamarkaana ey arintaasi dhacdo maalinta Talaadada (Maanta) oo maalinka Arbacadana ey yeeshaan kalfadhigooda ugu horeeya.

 

Beesha caalamka ayaa lagu soo waramayaa in ey cadaadiskan lagu de-dejinayo howlaha uu ka imaanayo, waxaana la filayaa in 1-da bisha lagusoo kala dareero caasimadda Jabuuti iyadoo la dhisay dowlad midnimo qaran iyo madaxweyneheeda oo ey Somaliya yeelato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aadan Madoobe Jagadiisa Yaase ugu Cadcad Xilka Madaxweynaha?

 

Monday, 26 January 2009 21:23 Editor

Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo ay wadahadalladu uga socdaan DFKMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoraynta ayaa la filayaa in marka xubnaha iskudar ah kulmaan Arabacada in doorashada Madaxweynaha loo gudbo oo iyada lagu billaabo iyadoo la filayo inay taasi dhacdo Jimcaha iyadoo lagu wado in madaxweynaha la doorto uu toos horey uga qaybgalo kulanka Madaxda Midawga Afrika oo dhawaan dhacaya.

 

Jagada Aadan Madoobe ayaa muran ka taagan yahay iyadoo sida heshiisku dhigayo ay tahay in laga billaabo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka marka shirka ugu horreeya ay isugu yimaadaan labada dhinac oo Baarlamaan wadaag ah isku noqonaya. Aadan Madoobe ayaa doonaya in uun jagada madaxweynaha oo haatan marnaan dastuur ka taagan tahay lagu gaabsado jagadiisana loo daayo haddii kale laga cabsi qabo in caqabado shirka soo wajahaan. Dhanka kale xubno ka tirsan Isbahasiga iyo Baarlamaanka KMG ah ayaa ku adkaysanaya in jagada gudoomiyaha Baarlamaanku iyana noqoto mid loo baratamo sida heshiisku dhigayey.

 

Jagada Madaxweynaha ayaa ilaa iyo haatan waxaa ugu cad cad Nuur Cade, Galaydh iyo Sheekh Shariif iyadoo dhanka kalana laga yaabo in Yuusuf Garaad uu jagadaa isoo rashaxo laakiin ilaa hadda ma ahani tani mid la shaaciyey. Nuur Cadde ayaa laga yaabaa in in badan oo ka tirsan dhankiisa TFG-da aysan u codayn iyagoo ka aarsanaya dagaalkii isaga iyo Madaxweyne Yuusuf iyo xubno baarlamaanka ah kusoo dhex maray Baarlamaanka iyagoo la filayo inay ku xumayn darteed u codeeyaan sheekh Shariif.

 

Dhanka kale Xubno Isbahaysiga ka tirsan ayaa laga yaabaa inay iyana u codeeyaan Nuur Cadde iyagoo dhalilsan qaabka hogaamineed ee Sh Shariif, iyadoo beesha caalamkana laga cabsi qabo inay ka biyo diidsan yihiin in Sh Shariif jagadaasi qabto. Lama oga cidda dhabta ah ee kusoo bixi karta jagadaasi waase mid caqabado hor taagan yihiin ciddii soo baxda iyo Baarlamaankuba maadama ay dalka kusii fidayaan kooxo ka biyo diidsan heshiiska.

 

Soomaalida ayay u sahlan tahay in wax la diido ka dibna la burburiyo waxaase adaga in la helo awood wax lagu dhiso ama lagu furdaamiyo iyadoo dhanka kalana ay Soomaalida u fududahay in magac qabiil ama diin loo dhinto balse ay adag tahay in la helo dad nafta u hurayo sidii nabadda loo adkayn lahaa ama dawlad inta badan aqbaleen loo difaacan lahaa yuusan qofku jago ama dan toos ah ku qabinba'e, taasoo ah mid ka mid ah asaasyada loo baahan yahay in la helo si Soomaaliya dawlad iyo kala danbayni ka taabbo gasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this