Sign in to follow this  
Jabhad

Geedi oo waji gabax kala kulmay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada

Recommended Posts

Jabhad   

Kenya: Geeddi oo si waji-gabax ah uga huleelay xafiis Wasiir kuxigeen

Posted to the Web Sep 28, 04:09

 

 

Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, ayaa Talaadadii Sept 26 waxa uu si wajigabax ah uga baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya kaddib markii la qadarin waayey ballan uu la lahaa wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaah Dibadda Kenya, sida ay qortay jariidada Standard ee kasoo baxda Nairobi.

 

 

Cali Maxamed Geeddi iyo safiirka Talyaaniga, Mr Enrico Gerardo De Maio, ayaa isku mar waxa ay soo galeen xafiiska si ay ula kulmaan wasiir kuxigeenka wasaarada arrimaha dibada Kenya, Mr Moses Wetang'ula. Geeddi waxa u qorshaysnaa in uu arrimaha Soomaaliya uga warbixiyo..

 

 

Daqiiqad kahor intii uusan qaabilin De Maio, mr. Wetang'ula waxa uu si dhaqso ah uga soo baxay xafiiskiisa waxana uu dalbaday in ergeyga Talyaanigu uu soo galo xafiiskiisa. Talyaanigii waxa uu galay xafiiska kuxigeenka wasiirka. Geeddi oo isla xilligaa ballanta lahaa bannaanka ayaa looga tegey. Waqti dheer markii uu Geeddi sugayey in loo yeero, oo aysan muuqan cid tixgelineysa ballantii uu lahaa, waxa uu ka huleelay goobtii si wajigabax ah, waxana uu si hal-haleel ah uga tegey goobtii uu ku sugayey wasiir kuxigeenka muddada dheer, goobtaas oo ahayd meeshii uu kulahaa ballanta aan tixgelinta lasiin.

 

 

Kenya waa dal gumeysta qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed (NFD), Talyaaniguna waxa uu ka mid yahay dalalkii sababay in Soomaaliya la qaybiyo.

 

 

 

 

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

 

Xigasho: Somalitalk.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this