Sign in to follow this  
Deeq A.

Geel-gub oo laga saaray Al-Shabaab iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka wadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijinaya in deegaanka Geel-gub ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo kuwa deegaanka.

Deegaankaan ayaa hoos tagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal xooggan kadib kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaanka, waxaana la sheegay in loo awood sheegtay isla markaana ay halkaas isaga carareen.

Sidoo kale Wararka ka imaanaya Biya Cadde iyo Ceelbaraf ayaa sidoo kale muujinaya dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka
ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada hareeraha deegaannadaas, iyadoo la filayo in howlgallo ballaaran laga fuliyo si loo xaqiijiyo amniga guud ahaan gobolka.

La soco wixii kusoo kordha.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this