Sign in to follow this  
Deeq A.

Laascaanood si weyn looga dareemayo u diyaar garowga soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Xamsa

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood si weyn looga dareemayo u diyaar garowga soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Xamsa

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ahna Magaala-madaxda maamulka SSC-Khaatumo waxaa ka socda diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Amniga guud ee deegaanada SSC ayaa si weyn loo adkeeyay, ayadoo waddooyinka iyo fagaareyaasha magaalada Laascaanood lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Maamulka SSC-Khaatumo oo dhowaan ka hadlay booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha ammaanka faray inay si weyn ugu diyaar-garoobaan soo dhoweynta wasiirka koobaad ee dalka, asagoo dhanka kale eedeyn culus u jeediyay Soomaaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay Laascaanood ayaa sheegaya in la filayo in saacadaha soo socda uu magaaladaas gaaro wefdi hordhac u ah booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa oo aan weli rasmi ah loo shaacin xilliga uu halkaa tagayo.

Masuuliyiinta aamulka SSC-Khaatumo, waxgaradka, iyo guud ahaan bulshada deegaanka ayaa si weyn u soo dhoweeyay booqashada la filayo in mid kamida madaxda ugu sarreysa dalku uu ku tago Laascaanood taniyo xilligii dowladdii kacaanka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this