Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sameysatay hay’adda aqoonsiga dadweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku sameeyay Hay’adda lagu sheegay inay ka shaqayn doonto bixinta aqoonsiga dadweynaha deegaanadaas.

Dhismaha hay’addan oo lagu magacaabo PID ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay dhowaan diiday in dadka ku nool deegaannadeedu ay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u sheegay in maamulkiisu uu sameysan doono lacag u gaar ah, sidoo kalena wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in dalku noqdo dowlado kala madaxbannaan, balse iskaashi ka dhexeeyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this