Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta weerarkii Al-Shabaab ee Aboorey, geerida sarkaal sare iyo gacan ku haynta…

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuloburde (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta si aan horay loo arag uga dagaalantay gobolka Hiiraan, kadib markii saakay lagu weeraray deegaanka Aboorey oo hoos taga degmada Buuloburde.

Ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay seddax jiho ka weeraray Aboorey, Al-Shabaab  waxay isku dayeen inay difaacdaan deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah, balse waa lagu laayey.

Duhurkii ayaa la jebiyey Al-Shabaab, waxaana lagu guuleystay in laga xoreeyo deegaanka Aboorey, balse galabta ayay soo qaadeen weerar culus oo rogaal celis ah.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada maanta xoreeyey Aboorey ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay go’aansadeen in meydadkooda oo daadsanaa gudaha iyo daafaha deegaanka ay aruursadaan, kana aar-gutaan ciidamada.

Dagaal la isku riiqmay oo galabta Casirkii kadib ka bilowday deegaanka Aboorey, kadib markii Shabaab dib u soo weerareen ayaa la isla soo gaaray caawa.

Inkastoo mar kale Al-Shabaab lagu jebiyey weerarkii rogaal celiska ahaa ee galabta ay soo qaadeen, hadana khasaare badan ayaa dagaalkii galabta oo ahaa mid culus ka soo gaaray ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Saraakiil uu ku jiro Taliye urur oo ka tirsanaa Ciidanka Danab ee galabta ka dagaalamay Aboorey, ayaa ku geeriyootay dagaalkaas iyo ciidamo badan oo isugu jira kuwa qaranka iyo ku wa deegaanka ee Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa sidoo kale dagaalka ku geeriyooday.

Caawa Aboorey waxaa ku sugan ciidamada qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyey Al-Shabaab, oo caawa dib isaga laabtay, kadib markii uu guul dareystay weerarkii rogaal celiska ahaa ee galabta ay ku soo qaadeen deegaankaas.

Ilaa maanta Aboorey oo dagaallo qaraar ay ka socdeen waxaa dul wareegayey diyaaradaha dagaalka, balse halkaas kama dhicin wax duqeyn ah, sababtana waxaa lagu sheegay in daruuro xoog leh ay jireen oo Roob uu cirka soo galay.

Duqeymaha la fulin waayey ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan, sidoo kale waxaa u soo gurmanayey ciidamo xoog leh oo ka soo gudbayey galbeedka gobolka Hiiraan.

Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Qaranka ee aaggaas jooga, balse cashir ayaa loo dhigay maanta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this