Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali geesinimo ka muujiyey weerar ka dhacay Jarmalka oo la abaal-marinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Munich (Caasimada Online) – Ahmed Odowaa, oo ahaa magangelyo-doon la diiday, ayaa la sheegay in loo sheegay in masaafurintiisu dhow dahay. Balse hadda, mas’uuliyiinta gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka ayaa shaaciyay in uu sii joogi karo dalka – ugu yaraan si ku-meelgaar ah.

Odowaa, oo u dhashay Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu ka hortagay nin mindi ku hubaysnaa oo 22-kii Janaayo dad ku weeraray jardiin ku taalla magaalada Aschaffenburg. Sida uu sheegay Joachim Herrmann, wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria – gobolka uu dhacayo Aschaffenburg – Odowaa hadda ma wajahayo masaafurin loogu qaado Talyaaniga.

Hadalkii Herrmann ee fiidnimadii Isniintii (7-da Abriil) ayaa si cad uga hor yimid warar hore oo saxaafaddu baahisay kuwaasoo sheegayay in Odowaa, oo 30 jir ah, laga saari doono Jarmalka xagaaga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Bavaria ayaa xaqiijisay in Odowaa uu yahay markhaati muhiim ah oo ku lug leh dacwadda ciqaabeed ee socota ee lala xiriirinayo eedeysanaha weerarka Aschaffenburg. Sidaas darteed, joogitaankiisa Jarmalka ayaa si sharci ah loo “ogolaaday”.

Wasiir Herrmann ayaa sidoo kale ammaanay doorkii geesinimada lahaa ee Odowaa, isagoo sheegay in “adeeggiisa lama filaanka ah ee uu u qabtay Aschaffenburg iyo Bavaria uu mudan yahay aqoonsi iyo ixtiraam buuxa.”

Faah-faahinta weerarka

22-kii Janaayo, Odowaa wuxuu ku sugnaa jardiin ku taalla Aschaffenburg markii uu arkay nin 28-jir u dhashay Afghanistan oo midi jiko ku weeraraya koox caruur ah. Ilmo labo jir ah ayaa ku dhintay, dhowr kalena si daran ayaa loo dhaawacay. Nin 41-jir ah oo isku dayay inuu carruurta difaaco ayaa isna lagu dilay weerarka.

Markii ninka la tuhunsan yahay uu baxsaday, Odowaa iyo dad kale ayaa daba galay, waxayna booliiska u sheegeen halka uu ku sugan yahay, taasoo sahashay in si degdeg ah loo qabto.

Warar xilligii la xirayay ninkaasi la helay ayaa muujinayay inuu lahaa dabeecado rabshado wata, isla markaana uu markaas ku jiray daaweyn dhimirka ah. Sidoo kale, waxaa la sheegay in la qorsheeyay in dalka laga saaro dabayaaqadii sannadkii hore.

Odowaa ayaa helay ammaan ballaaran oo ku saabsan tallaabadiisii geesinimada lahayd. Marka laga reebo Wasiir Herrmann, Ra’iisul Wasaaraha Bavaria Markus Söder ayaa sidoo kale si qoraal ah ugu mahadceliyay Odowaa, isaga oo ku tilmaamay “tusaale la taaban karo oo muujinaya geesinimo bulsho” isla markaana xusay in uu “muujiyay adkaysi iyo dhiiranaan aan caadi ahayn.”

Warbaahinta deegaanka ee Main Echo ayaa sheegtay in Odowaa la gudoonsiin doono bilad uu si rasmi ah uga helayo Söder bisha Maajo, taasoo lagu maamuusayo dadaalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Odowaa ayaa isla warbaahintaasi u sheegay in uu ka helay xafiiska ajaanibta warqad amaraysa in uu dalka ka baxo ugu dambayn 8-da Luulyo. Arrintaas darteed, laba qof ayaa bilaabay olole saxiixyo lagu ururinayo iyagoo adeegsanaya mareegta change.org si loo joojiyo masaafurintiisa. Ilaa waqtigii warbixintu soo bixi lahayd, in ka badan 60,000 oo qof ayaa saxiixay codsigaasi.

Xaaladdiisa sharci

Wasiir Herrmann ayaa sheegay in Odowaa hore loogu aqoonsaday qaxooti dalka Talyaaniga. Si kastaba, wuxuu haddana u soo safray Jarmalka horraantii 2024 si uu mar kale uga codsado magangelyo, balse codsigiisa ayaa la diiday isla sanadkaas. Racfaan uu ka qaaday go’aankaasi isna wuu guuldarreystay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dpa.

Herrmann ayaa sharaxay in “arrintaasi aanay waafaqsanayn shuruucda Yurub iyo kuwa Jarmalka ee hadda jira.” Wuxuu tilmaamay nidaamka loo yaqaan Dublin Procedure, oo dhigaya in qofka magangelyo doonka ah aanu mar kale codsan karin magangelyo waddan kale oo Midowga Yurub ka tirsan, haddii horey waddan kale loogu aqoonsaday.

Nidaamkan ayaa ku saleysan fikradda ah in qofka magangelyo-doonka ah uu codsigooda ka gudbiyo waddankii ugu horreeyay ee uu kaga dego Midowga Yurub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this