Deeq A. Posted April 9 Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah aya kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay dhowaan soo galeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Ciidamada huwanta ayaa dagaal ku galay Geelgub, waxayna si buuxda ula wareegeen guud ahaan deegaankaasi, sida ay goordhow shaacisay dowladda Soomaaliya. “Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay hawlgal qorshaysan kaga saaray deegaanka Geel-gub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka, iyaga oo kadib ka saaray gebi ahaan Shabaabkii soo galay halkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in khasaare culus la gaarsiiyay Khawaarijta, kadib dagaalkii culus ee saaka ka dhacay deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana maydadkooda ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo wariyay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay isku fidiyeen duleedka Geelgub, iyaga oo sii baacsanaya firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo isaga cararay halkaasi. Qabashada Geelgub waxaa ka horreysay la wareegitaanka deegaanka Aboorey oo dhaca gobolka Hiiraan, kadib markii ay shalay dagaal ku galeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo sidoo kale khasaare lixaadleh gaarsiiyay maleeshiyaadka Shabaab. Xalay Aboorey waxaa ku hoyday ciidamada qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyey Al-Shabaab, oo dib usoo weerartay deegaankaasi, kadib dagaal rogaal celis ah oo ay soo qaaday. Waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ay maalin kahor la wareegeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaa Dhexe oo hadda ku jirto gacanta dowladda Soomaaliya. Guulahan isdaba joogga ah ayaa ku ymid, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xoojisay gulufka ay ka waddo HirShabelle, si looga hortago abaabulka kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo horay looga xoreeyay. La wareegitaanka deegaannada cusub ayaa sidoo kale waji cusub u yeelaya dagaalka, waana guul wayn oo ay howlgallada socda ka gaareen ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa gacanta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh. Share this post Link to post Share on other sites