Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta qarax iyo dil ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan iyo dil uu ka dhacay aagga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, xilli ay halkaasi ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, xilli ay marayeen waddo dhex-marta deegaanka Buurane ee Shabeellaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu khasaare kasoo gaaray ciidamada Burundi, waxayna kadib fureen rasaas dhalisay khasaare kale oo gaaray shacab.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Burundi ee ka howlgalka gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo xusay inuu burburay, sidoo kalena uu jiro khasaare kale.

Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in rasaasta ay fureen ciidamada uu ku dhintay nin shacab ah oo xoolo dhaqato ahaa, isla markaana kamid aha dadka deegaanka Buurane.

“Adeerow meeshaan dhibaato ayaa ka dhacday qaraxaa dhacay, qoladaan waxaa lala beegsaday Burundi markii uu ku qarxayne nin maskiin ah oo Geeley ah ayay xabad la dhaceen, waana dhintay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mar kasta oo la qarxiyo ciidamada shisheeye ay badanaa rasaas furaan, taas oo ay waxyeelo kasoo gaarta rayidka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Burundi oo ku aadan qaraxa ay ciidamadooda la beegsatay kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo dhowaan uun soo galay deegaannadii horay loogala wareegay ee gobolkaasi oo ay dib u qabsadeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa haatan gobolka ka wada guluf culus oo ay uga hortagayaan culeyska ay Al-Shabaab soo saareen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this