Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Ciidamada DF oo gudaha u galay degmada Ruun-nirgood

Recommended Posts

Deeq A.   

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dagaal kula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo saaka qaaday weerar culus ay gudaha u galeen degmadaasi oo ay indhowaanahaan ku sugnaayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha degmadaasi, halkaas oo ay muddo ku dhuumaaleysanaayeen.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale  inoo sheegay in ciidamada huwanta ay hadda howlgallo ka wadaan degmada Ruun-nirgoo, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayo.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen duleedka degmada, waxayna ku wajahan yihiin deegaanno kale, sida Hilowle Gaab oo hoostaga Ruun-nirgood.

Ciidamada ayaa horay u gaaray degmadaan, inkastoo markii dambe ay kasoo baxeen, ayna dib ula wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka socdaan howlgallo culus.

Qabashada degmada ayaa timid, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xoojisay gulufka ay ka waddo gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga hortago abaabulka kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo horay looga xoreeyay.

La wareegitaanka Ruun-nirgood ayaa sidoo kale waji cusub u yeeleyso dagaalka, waana guul wayn oo ay howlgallada socda ka gaareen ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda.

Jiidda hore ee dagaalka ayaa waxaa haatan ku sugan taliyaha ciidamada Xoogga dalka, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle oo isku dabaridayo dagaalka ka socda deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa gacanta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this