Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo safarka Ra’iisul wasaare Xamse kaga jawaabaysa weerar saddex aag ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1744012585804.jpg?resize=720%2C48Taliyaha Ciidamada Somaliland

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Gen. NimcaanYuusuf Gaax-nuug oo ku sugan jiidda degaanka Oog ee gobolka Sool ayaa halkaasi shir deg deg ah, oo aan warbaahinta laga shaacin kula yeeshay saraakiisha ciidamada maamulkaasi.

Taliye Nimcaan Gaax-nuug iyo saraakiisha ciidamada Somaliland, waxay taliska Oog ku yeesheen shir deg deg ah oo ku saabsan jawaabta laga bixin karo safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee magaalada Laascaanood, siday tilmaamayaan ilo wareedyo amni oo si hoose uga war helay shirkaasi.

Shirka saraakiisha ciidamada Somaliland ay ku yeesheen taliska Oog oo saacado qaatay ayay ku go’aamiyeen in ay safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee Laascaanood ku beegaan weerar saddex aag ah  oo ay ku qaadayaan dhinaca khaatumo, si ay degaannada SSC uga bixiyaan sawir muujinaya dhul lagu muransan yahay oo colaadi ka aloosan tahay.

Saddex aag ee saraakiisha ciidamada Somaliland go’aamiyeen in ay weerarka kaga qaadaan SSC-khaatumo waxay kala yihiin; Furinta Buqdharkayn, jiidda Qorilugud iyo tan Ceerigaabo, waana markii u horraysay, oo ay Somaliland saddexdaasi aag hal saacad dagaal ka wada furto, sida hadda u qorshaysan.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo safarka Ra’iisul wasaare Xamse kaga jawaabaysa weerar saddex aag ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this