Sign in to follow this  
Deeq A.

DEGDEG: Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-Shabaab Ka Saaray Degmada Ruun-Nirgood

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah, ayaa saaka aroortii hore fuliyay howlgal amni xaqiijin ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay gudaha degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahaayeen gudaha magaalada.

  Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab si buuxda looga saaray Ruun-Nirgood.

Ciidamada ayaa wali howlgallo ka wada xaafadaha magaalada si loo xaqiijiyo in aysan jirin wax haraaga kooxda ah oo ku dhex dhuumaaleysanaya shacabka.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in ciidamada ay si nabad ah kula wareegeen magaalada, iyadoo aysan jirin khasaare kasoo gaaray shacabka intii uu socday howlgalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this