Deeq A. Posted Monday at 03:00 AM Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa gaashaanka ku dhufatay dalabka Mareykanka ee ah inay si toos ah uga wada xaajoodaan barnaamijkeeda nukliyeerka ama ay wajihi karto weerar militari, iyadoo uga digtay dalalka deriska ah ee saldhigyada siinaya Mareykanka inay noqon karaan bartilmaameedyo haddii ay ku lug yeeshaan arrintaas, sida uu sheegay sarkaal sare oo reer Iran ah. Inkastoo Iran ay diiday dalabka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee wadahadallada tooska ah, haddana waxay dooneysaa inay sii waddo wadaxaajoodka dadban ee dalka Cumaan, oo muddo dheer soo ahaa marin ay labada waddan ee xifaaltamaa isugu gudbiyaan farriimaha, sida uu Reuters u sheegay sarkaalka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. “Wadahadallada dadban waxay fursad u siinayaan in la qiimeeyo sida ay dhab uga tahay Washington inay xal siyaasadeed ka gaarto arrinta Iran,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Inkastoo wadadu ay noqon karto mid adag, haddana wadahadallada ayaa bilaaban kara dhowaan haddii farriimaha Mareykanku ay muujiyaan taageero arrinkaas ku saabsan, ayuu intaa raaciyay. Iran ayaa si rasmi ah digniin ugu dirtay dalalka Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar, Turkiga iyo Baxreyn, iyadoo u sheegtay in taageero kasta oo ay siiyaan weerar uu Mareykanku ku qaado Iran—oo ay kamid tahay isticmaalka hawadooda ama dhulkooda—loo arki doono fal cadawtooyo ah. “Ficilkaasi wuxuu yeelan doonaa cawaaqib xun,” ayuu yiri sarkaalkaasi, isagoo xusay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, uu ciidamada Iran galiyay heegan sare. Digniinaha Madaxweyne Trump ee ku saabsan weerarka militari ee ka dhanka ah Iran ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, kaasoo markii horeba la daalaa dhacayay dagaallada Gaza iyo Lubnaan, duqaymaha ka socda Yemen, isbeddelada hoggaanka Suuriya, iyo dagaallada ay iswaydaarsadeen Israa’iil iyo Iran. Waxaa jira walaac weyn oo laga qabo in gobolka uu ku fido dagaal ballaaran, taasoo walaac badan ku abuurtay dalalka gacanka Carbeed ee uu hal dhinac ka xigo Iran, dhinaca kalena boqortooyooyinka Carabta ee Mareykanku xulafada la yahay, kuwaasoo sidoo kale ah marin muhiim u ah shidaalka caalamiga ah. Afhayeenada dawladaha Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Baxreyn ayaan wali ka jawaabin codsiyo lagu waydiistay faahfaahin dheeraad ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay inaysan ka warqabin digniin rasmi ah, balse fariimaha noocaas ah lagu gudbin karo qaabab kale. Arbacadii, warbaahinta dowladda Iran ayaa shaacisay in Kuwait ay u xaqiijisay Tehran inaysan marnaba oggolaan doonin in dalkeeda loo isticmaalo fal cadawtooyo oo ka dhan ah waddan kale. Ruushka, oo ah xulafada Iran, ayaa Khamiistii sheegay in hanjabaadaha Mareykanka ee weerarka ka dhanka ah Iran ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, Jimcihiina wuxuu ku baaqay in xaaladda la dejiyo. Iran ayaa isku dayaysa inay taageero dheeraad ah ka hesho Ruushka, balse waxay ka shakisan tahay sida dhab ahaan ay Moscow uga go’antahay inay difaacdo xulafadeeda. Arrintaas waxay ku xirnaan doontaa xiriirka ka dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayuu sheegay sarkaal labaad oo reer Iran ah. Laba bilood oo fursad ah Trump ayaa sheegay inuu doorbidayo heshiis lala gaaro Iran oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka halkii uu dagaal militari qaadi lahaa, isagoo 7-dii Maarso warqad ku saabsan arrintan u qoray hoggaamiyaha sare ee Iran, Khamenei. Sarkaalka koowaad ee reer Iran ayaa sheegay in wareegga hore ee wadahadallada dadban laga yaabo inay dhex-dhexaadiyaan mas’uuliyiin ka socda Cumaan oo ka kala dhex shaqeyn doona wafdiyada Iran iyo Mareykanka. Khamenei ayaa oggolaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi ama ku-xigeenkiisa Majid Takht-e Ravanchi ay ka qaybgalaan wadahadallada laga yaabo inay ka dhacaan magaalada Muscat. Afhayeen u hadlay dowladda Cumaan ayaan wali ka jawaabin codsi faahfaahin dheeraad ah lagu waydiistay. Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka ayaa sheegay in la heli karo fursad laba bilood ah oo heshiis lagu gaari karo, isagoo ka digay in haddii wadahadalladu ay dib u dhacaan laga yaabo in Israel ay qaaddo weerar gaar ah, taasoo sababi karta dib u soo celinta dhammaan cunaqabateynada caalamiga ah ee lagu soo rogo Iran, si looga hortago inay hesho hubka nukliyeerka. Iran ayaa muddo dheer iska fogeysay eedaynta ah inay raadineyso hub nukliyeer ah, laakiin hay’adda tamarta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Iran ay si weyn u kordhisay kobcinta Yuraaniyamka heerka 60%, taasoo aad ugu dhow heerka loo isticmaalo hubka ee 90%. Dalalka reer Galbeedka ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Yuraaniyamka loo kobciyo heerkaas sare barnaamij rayid ah darteed, iyagoo sheegay inaan waddan kale oo sameeyay tallaabadan aysan ka harin hub nukliyeer ah. Inkastoo Iran sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho Mareykanka haddii looga hadlayo arrimaha nukliyeerkeeda, haddana waxay gabi ahaanba diiday inay toos u wadaxaajoodaan inta Mareykanku uu hanjabaado wado. Iran ayaa sidoo kale sheegtay in barnaamijkeeda gantaalaha aanay marnaba diyaar u ahayn inay ka wadaxaajoodaan. Taliyaha sare ee ciidamada kacaanka Iran (IRGC), Amirali Hajizadeh, ayaa Isniintii sheegay in saldhigyada Mareykanku uu ku leeyahay gobolka ay noqon karaan bartilmaameed haddii dagaal dhaco. Sannadkii 2020, Iran ayaa bartilmaameedsatay saldhigyo Mareykanku ku lahaa Ciraaq kaddib markii Mareykanku dilay Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ciidamada Quds ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga, iyadoo lagu bartilmaameedsaday weerar gantaallo oo ka dhacay magaalada Baqdaad. Share this post Link to post Share on other sites