Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhalatay warqaddii madaxweyne Xasan Sheekh uu u qoray Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dekedaha dalka si gaar ah ugu soo bandhigay dowladda Maraykanka ayaa laga yaabaa inuu ku saleysnaa sidii loo heli lahaa ballanqaadyo amni, balse wuxuu abuuray khilaaf siyaasadeed oo halis gelin kara dadaallada gudaha ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah.

Toddobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu warqad u qoray dhiggiisa Maraykanka Donald Trump, isagoo soo bandhigay deked ku taalla Puntland iyo mid kale oo ku taalla Somaliland inay Maraykanku si gaar ah u isticmaalaan.

Warqadda, oo uu faafiyay qof aan la aqoonin, ayaa tilmaantay in Maraykanku heli doono isticmaal gaar ah oo ku saabsan saldhigyo ciidan iyo dekedo muhiim ah.

Toddobaadkan, maamulka Somaliland ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Maraykanka u soo bandhigo maamulka gaarka ah ee dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera, halkaas oo Somaliland gacanta ku heysay tan iyo 1991.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo horay diblomaasi Soomaaliyeed u ahaa, ayaa arrintan ka hadlay isagoo yiri: “Cidna awood uma laha inay ka ganacsato dhulka Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh xitaa Muqdisho kama taliyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo bandhigay saldhigga cirka ee Ballidoogle, oo qiyaastii 90 km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho iyo dekedda Boosaaso, isagoo sheegay inuu doonayo inuu “xoojiyo ka qeybgalka Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika.”

Dekedda Boosaaso, oo qiyaastii 1,500 km waqooyi-bari ka xigta Muqdisho, waxay hoos timaadaa maamulka Puntland oo kamid ah maamullada Federaalka Soomaaliya. Maamullada kale ee Federaalka waxaa kamid ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Somaliland ayaa dhinaceeda ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale bishii May 1991, waxayna diiday inay qeyb ka noqoto nidaamka Federaalka.

Somaliland looma aqoonsanin waddan madax-bannaan, balse waxay leedahay lacag u gaar ah, bangi dhexe, ciidan, waxayna qabataa doorashooyin joogto ah oo madaxweyne iyo baarlamaan.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa tallaabadan u arkay isku day lagu dhacay dhulkooda iyadoo loo dhiibayo dowlad shisheeye iyadoo aan lala tashan.

Wargeyska Somaliland Chronicle ayaa tifaftirkiisa ku sheegay in Soomaaliya ay bixineyso “dhul aysan maamulin tan iyo markii George HW Bush ahaa madaxweyne (1980-meeyadii).”

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho iyo Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka midkoodna kama aysan hadlin arrimaha ku xeeran warqadda iyo soojeedinteeda.

Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha ku jira warqadda ayaa tijaabo adag ku noqday xiriirka dowladda Federaalka iyo maamullada kale ee dalka, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha amniga. Tan iyo sannadkii hore, Puntland waxay guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, balse waxay dowladda Federaalka ku eedaysay inaysan taageero siin.

Dowladda Federaalka lafteeda waxay dagaal adag kula jirtaa Al-Shabaab, oo ah koox awood badan ku leh gobollada dhexe iyo koonfureed ee Soomaaliya.

Tan iyo markii Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Federaalka, khubarada siyaasadda sida Maxamuud Maxamed waxay qabaan in awoodda dowladda dhexe ay xadidan tahay, gaar ahaan iyadoo xiriirka Puntland iyo Muqdisho aanu wanaagsanayn sannadihii la soo dhaafay.

Maxamuud Maxamed ayaa yiri, “Haddii soojeedinta la sameeyay iyadoo aan Puntland lala tashan, xiriirka Garowe iyo Muqdisho wuxuu noqon karaa mid sii xumaada.”

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ku celcelisay inay leedahay madax-bannaani dhuleed, iyadoo qaar ka mid ah khubaraduna ay u arkaan in soojeedintan loogu talagalay inay fariin siyaasadeed gudbiso.

Baashiir Goth, oo madax ka ah Ergada Somaliland ee Maraykanka, ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray warqadda, isagoo yiri: “Aqoonsiga Somaliland waxaa Soomaaliya u adeegsaneysaa inay Maraykanka ku soo jiidato isticmaalka iyo maamulka dekedda Berbera.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Reuters u sheegay: “Maraykanku doqon ma aha, waxayna og yihiin cidda ay kala xaajoonayaan arrimaha dekedda Berbera.”

Sebtember sannadkii hore, Soomaaliya waxay mamnuucday in Somaliland loo tilmaamo waddan madax-bannaan, iyadoo ka dalbatay shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya inay macluumaadkooda ku muujiyaan in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya.

Shirkadaha diyaaradaha sida Turkish, Qatar iyo Ethiopian ayaa amarkaasi fuliyay, iyadoo markii dambe shirkadda xawaaladda Dahabshiil ay sidoo kale tallaabadan raacday.

Soomaaliya waxay tallaabadan adag qaaday kadib markii Somaliland iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis ay Somaliland ku siisay Itoobiya dhul xeebeed dhan 20 km.

Xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ayaa markii dambe qabowday kadib markii Turkigu soo dhexgalay, isagoo dhex-dhexaadin ka sameeyay Addis Ababa iyo Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this