Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga fal-celiyay imaanshaha madaxweyne Museveni ee Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay casuumaad uu madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni oo lagu wado inuu dhowaan yimaada magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, ayaa isaguna aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho muddada soo aaddan.

Intaasi kadib waxa ay yeesheen  wada-hadallo miro-dhal ah oo ay uga hadleen xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, iyada oo sidoo kale si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Labada Madaxwayne ayaa sidoo kale adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka.

Uganda ayaa waxaa ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, waxayna askarta ugu badan ku leedahay howlgalka AUSSOM oo sanadkan ka bilowday gudaha dalka, horayna waxay sidaas oo kale ciidamo badan ugu hoggaamineysay howlgalladii ka horreeyay ee ATMIS iyo AMISOM.

Haddaba sidee looga fal-celiyay Imaashaha Yoweri Museveni ee magaalada Muqdisho?

Al Sacdi: “Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed-ba saacado ayuu joogay Muqdisho, Mr Shaadhna Minutes uun-buu joogi.”

Zakariye Maxamed: “Waxaan oo dhan wuxuu isleeyahay caalamka tusi in Muqdisho ammaan tahay, laakiin waata maalin walba la leynayo saraakiil ka mid ah ciidanka Soomaaliya.”

Maxamed Axmed: “Yoweri Museveni maxaa booqashadiisa laga faa’idaa waa nin dalkiisa xoog ku haysto?”.

“Hambalyo aad baan usoo dhaweyneynaa qodobada shirka. Guul mudane Madaxweyne,” ayuu yiri Zakariye Cali Dayib.

Maxamed Cabdi Jabaar: “Odayga horta safarka Uganda kama daalo miyaa waa usii socdaa leeyee?.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this