Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Jaamac oo muujiyey doorkii Mareykanku ku lahaa xil ka qaadistiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii xilka baneeyey ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya hogaaminayey afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa maanta cadeeyey in dagaal kala dhaxeeyo Mareykanka, taasi oo sababtay xil ka qaadistiisa.

Khudbadii uu maanta jeediyey wasiir Jaamac wuxuu ku soo gabagabeeyey “Waxaan ku faraxsanaa culeys kasta oo aan la kulmay, anigoo ku adkeystay difaaca danaha qaranka Soomaaliyeed, waxaana leeyahay cid kasta oo neceb danaha qarankaan, adey taladii ku seegtaye warhooy Soomaaliya, Soomaalibaa leh.”

Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, in xilka wasaaradda gaashaandhigga laga qaado wasiir Jaamac waxaa kaalin weyn ku lahaa Mareykanka oo ka mid ah dowladaha dhismaha ciidanka iyo dagaalka argagixisada ka kaalmeeya Soomaaliya.

Wasiir Jaamac oo saaxiib dhow la ahaa Turkiga ayaa ku guul darreystay inuu isku wado labada dowladood ee Turkiga iyo Mareykanka oo door weyn ka qaata dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo dagaalka Khawaarijta, si gaar ah duqeymaha.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo maanta xilka wareejiyey ayaa si cad u diiday inuu u mahadceliyo Mareykanka oo dhamaan masuuliyiinta kale ee dowladda Soomaaliya aysan ka daalin mahad-celintiisa.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dowladaha Turkiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Uganda, Eritrea iyo Jabuuti oo aan ka helay taageeradii dhismaha awoodda difaaca qaranka Soomalaiyeed,” ayuu wasiir Jaamac oo aan halkaas ku xusin Mareykanka.

Sidoo kale, Wasiir Jaamac ayaa maanta u mahad celiyey dowladaha Soomaaliya u soo diray Ciidamada Midowga Afrika, isagoo sheegay in ciidamada uu dhisay ee xoogga dalka ay gaarayaan 20,000 oo askari, kuwaas oo dhismahooda ay gacan ka geysteen Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Eritrea.

Labo ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh dhaqdhaqaaqa Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah.

Faahfaahinta heshiiskan looma shaacin si buuxda, laakiin waxaa ku jiray samaynta ciidanka badda Soomaaliya iyo sahanka kheyraadka tamarta, taas oo qayb ka ahayd jawaab-celin laga bixiyay heshiiska Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Ankara, isla markaana xiriir dhow la yeeshay madaxda Turkiga, ayaa la sheegay inuu ka xanaajiyay Maraykanka, taas oo sababtay inay dalbadaan in xilka laga qaado.

Mas’uul Soomaali ah ayaa u sheegay Middle East Eye in saraakiisha Maraykanku ay si joogto ah Madaxweyne Xasan Sheekh ugu cadaadinayeen inuu xilka ka qaado Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu iskaashi ku filan la samayn waayay ciidamada Maraykanka.

“Sidoo kale waxay codsadeen inay helaan nuqul ka mid ah heshiiskii la saxiixay February,” ayuu yiri mas’uulkaasi, isagoo intaa ku daray, “Waxay ka walwalsanaayeen qorshayaasha la xiriira in Turkigu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig hawada sare oo laga yaabo inay ku jiraan tijaabooyin gantaallo riddadoodu dheer tahay.”

Waxaa kale oo Maraykanka ka careysiiyay heshiisyada Turkigu kula galay Soomaaliya ee la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska.

Labada ilo ayaa sheegay in tallaabadii ugu dambeysay ee sii xumeysay xaaladda ay ahayd markii Turkigu Talaadadii hore Muqdisho keenay laba diyaaradood oo dagaal oo nooca Bayraktar Akinci ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this