Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta hoobiyeyaal lagu weeraray garoonka Aadan Cadde + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya hoobiyeyaal saaka lagu garaacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo xaafado ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay gudaha caasimada.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah illaa 6 hoobiye ayaa ku kala dhacay gudaha xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka, ayna dagan yihiin hay’ado caalami ah, safaarado shisheete iyo taliska ciidamada AUSSOM.

Madaafiicda ayaa sidoo kale lasoo wariyay in qaarkood ay ku dhaceen xaafado ku dhow garoonka, waxaana jir khasaare dhaawac u badan oo soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in hoobiye kusoo dhacay xaafadda Kaawo Godey ay ku dhaawacmeen laba qof oo kala ahaa haweeney iyo wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka.

“Xaafadda Kaawo Godey waxaa saaka ku dhacay mid kamid ah hoobiyeyaashii lasoo tuuray, waxaana ku dhaawacantay maamo kamid ah dadka deegaanka, waxaa sidoo kale la ii sheegay wiil kale oo dhaawac ah” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dareemeen cabsi xooggan iyo walwal la xiriira hoobiyeyaasha saaka lagu garaacay qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

“Saameyn culus ayay nagu yeesheen hoobiyeyaasha, waana ka argagaxnay, haddii aan nahay dadka deegaanka” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Soomaaliya.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaa oo kale shalay madaafiic loogu garaacay agagaarka madaxtooyada qaranka, waxaana mid kamid ah uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, kaas oo gaystay dhaawac.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay.

Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada Balcad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this