Sign in to follow this  
Deeq A.

MAREYKANKA oo mar qura wada kansalay fiisooyinkii la siiyey muwaadiniinta dalka…

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba laashay dhammaan fiisooyinka dadka wata baasaboorka Koonfur Suudaan, kadib markii dalkaasi uu ku fashilmay inuu aqbalo soo-celinta muwaadiniintiisa laga soo tarxiilay Maraykanka.

Go’aankan ayaa yimid xilli wadamo badan oo Afrikaan ah ay ka cabsi qabaan in Koonfur Suudaan ay dib ugu noqoto dagaal sokeeye.

Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo dhaqan-gelinta sharciyada socdaalka, oo ay ka mid tahay soo celinta dadka loo arkay inay si sharci-darro ah ugu sugnaayeen gudaha Maraykanka.

Maamulka ayaa horey uga digay in dalalka aan sida degdegga ah dib ugu qaadan muwaadiniintooda ay wajihi doonaan tallaabooyin adag, sida cunaqabateynta fiisooyinka ama canshuuro dheeraad ah.

Koonfur Suudaan ayaa ku fashilantay inay ilaaliso mabda’a ah in waddan kastaa uu aqbalo dib-u-soo celinta degdegga ah ee muwaadiniintiisa marka dal kale, sida Maraykanka, uu doonayo inuu dib ugu celiyo dalkooda, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio.

“Laga bilaabo hadda, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxay qaaday tallaabooyin ay ku laalayso dhammaan fiisooyinka dadka sita baasaboorka Koonfur Suudaan, iyadoo sidoo kale joojinaysa bixinta fiisooyin cusub si looga hortago in dadka wata baasaboorkaasi ay soo galaan gudaha Maraykanka,” ayuu yiri Rubio.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dib u eegis ku samayno tallaabooyinkan marka Koonfur Suudaan ay si buuxda ula shaqeyso Maraykanka,” ayuu sii raaciyay Rubio.

Rubio ayaa sidoo kale sheegay inay tahay xilligii dowladda KMG ah ee Koonfur Suudaan ay joojin lahayd inay “ka faa’iideysato Maraykanka.”

Safaaradda Koonfur Suudaan ee magaalada Washington ayaan weli ka jawaabin codsiyada faallooyinka ku saabsan arrintan.

Danjirayaal ka socda Midowga Afrika ayaa toddobaadkan gaaray magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Suudaan si ay wadahadallo uga yeeshaan sidii looga hortagi lahaa dagaal cusub oo sokeeye oo dalkaasi ka qarxa, kadib markii Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad Riek Machar lagu soo rogay xabsi guri toddobaadkii hore.

Dowladda Madaxweyne Salva Kiir ayaa ku eedeysay Machar, oo muddo dheer ahaa mucaarad hoggaaminayay jabhado intii uu socday dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay sannadihii 2013 ilaa 2018 kaas oo galaaftay boqollaal kun oo qof, inuu hadda qorsheynayo kacdoon cusub.

Xarigga Machar ayaa yimid kadib toddobaadyo dagaal uu ka socday gobolka Upper Nile ee waqooyiga dalkaas, halkaas oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada White Army ay dagaallo dhex mareen. Xoogagga Machar ayaa horey xiriir ula lahaa maleeshiyada White Army xilligii dagaalka sokeeye, balse hadda waxay beeniyeen inay xiriir hadda ka dhexeeyo.

Dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2018 ayaa salka ku hayay khilaaf qabiil, iyadoo dagaalyahannada Dinka oo ah qabiilka ugu badan dalka ay taageerayeen Madaxweyne Kiir, halka qabiilka Nuer, oo ah kan labaad ee ugu badan dalkaasi, ay taageersanaayeen Machar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this