Deeq A. Posted April 6 Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday Daacish. Weerarka oo ahaa mid si aad ah loo soo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday laba goobood oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda, una u dhow togga Miraale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta, laguna dilay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish. “Duqeyn kale ayaa caaw ka dhacday labo goobood oo ka tirsan Togga Miiraale, waxaa lagu dilay xubno ka tirsan Argagixisada Daacish, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga buuraha Calmiskaad oo ay weli isku hayaan ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish. Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa haatan kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxayna horay sidaan oo kale duqeymo uga fulisay aagga Calmiskaad. Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka Carabta dhowaan ka gaystay deegaanka lagu magacaabo Darar-madoobe, waxaana lagu dilay illaa 12 ka tirsanaa kooxda Daacish, iyada oo sidoo kale lagu gubay gaari xamuul ah oo ay adeegsaneysay kooxda. Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isagunna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish. Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari. Howlgalka ka socda dhulka buuraha ee Puntland ayaa haatan galay wajigiisa saddexaad, waxaana ujeedka uu yahay in argagixisada laga xoreeyo godadka ay muddada dheer ku hoos jireen, waxaana tan iyo markii uu bilowday dagaalka la xoreeyay dhul ballaaran. Share this post Link to post Share on other sites