Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo xaqiijisay arrin ku saabsan Jubaland iyo Puntland kahor shirka dhacaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah La-taliyaha arrimaha dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka hadlay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ee looga arrinsanayo xaaladda dalka, isaga oo sheegay inay ka qeyb galayaan maamullada Jubbaland iyo Puntland oo uu khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda federaalka.

La-taliyaha ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in haatan uu socdo diyaar-garowga shirka, isla markaana Villa Soomaaliya ay waddo wada-tashiyo la xiriira gogosha uu fidiyay madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee dalka, isaga oo kala hadlay arrinta gogosha iyo sidii ay uga qeyb gali lahaayeen.

“Madaxweynuhu wuxuu khadka taleefanka kula hadlay madax hore, waxaana soconaya diyaar-garowga qabashada gogosha. Wuxuu sidoo kale la kulmayaa qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada sida Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle,” ayuu yiri La-taliye Xuseen Sheekh.

Wuxuu intaas ku daray in shirka si rasmi ah loogu casuumay Jubbaland iyo Puntland, isla markaana ay maamulladaasi ka mid noqon doonaan shirka.

“Shirka iyo gogosha wada-hadalka waxaa lagu casuumay hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Ma rabo inaan ka hadlo shaqsiyaad, balse si maamul ahaan ah shirkaas way ka qeyb galayaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay La-taliye Xuseen Sheekh.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Jubbaland iyo Puntland isku khilaafeen ka qeyb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo labada maamul ay si kala duwan uga falceliyeen tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh.

Jubbaland ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka Madaxweynaha, waxaana Axmed Madoobe, oo dhawaan hadlay, uu sheegay inuu ku farxay baaqa nabadeed ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu bogaadiyay gogosha la dhigay.

Axmed Madoobe wuxuu sidoo kale xusay in wada-hadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu xallin karo caqabadaha hor taagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Puntland ayaa soo saartay war ka duwan midka Jubbaland, waxaana Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi uu sheegay in aysan diyaar u ahayn ka qeyb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku sababeeyay inay ku jiraan xaalad dagaal.

“Xasan wuxuu dadka u sheegaa in uu isu keeni karo, sida ay Beesha Caalamku uga dalbatay. Laakiin Deni waqtigiisa kuma lumin karo inuu Xasan hor fadhiisto, waayo rasaas iyo tuute ayuu qeybinayaa, waana abaanduulaha dagaalka Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Weli lama caddeyn goorta uu dhici doono shirka, halka lagu qaban doono, iyo cidda ka qeyb-geli doonta, iyadoo indhaha lagu hayo go’aanka kasoo bixi doona Villa Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this