Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo maanta xiran iyo sababta ka dambeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, xilli ay xarunta Gaashaandhigga ka socota xil wareejinta wasiirka hore iyo kan cusub ee dhawaan loo magacaabay wadaaradda Gaashaandhigga.

Xirnaanshaha waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana si gaar ah loo xusay in wadada Maka Al-Mukarama iyo jidadka kale ee taga Wasaaradda Gaashaandhigga lagu arkay ciidamo badan oo suga ammaanka.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa u dhexeysa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasiirkii hore, iyadoo uu goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilka u kala wareejinaya Jibriil Xaaji Cabdi oo ah Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo xilkaasi hayey muddo ka badan saddex sano.

Cabdulqaadir Jaamac ayaa markii hore loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Maxamed Xuseen Rooble, waxaana uu xilka sii hayey illaa laga gaaray March 17, 2025, markaas oo xil ka qaadis lagu sameeyey.

Isbeddelkan wasaaradeed ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn dhowaan uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, taasoo saamaysay dhowr wasaaradood oo muhiim ah.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Jaamac, ayaa loo wareejiyey Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halka Jibriil Xaaji Cabdi oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, loo magacaabay xilkan cusub.

Si kastaba, munaasabadda xil wareejinta oo dib u dhacday ayaa waxaa maanta si rasmi ah galka difaaca u wareejinaya Wasiir Jaamac, iyadoo amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyey, xilli kooxda Al-Shabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqeeda caasimadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this