Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo internet-ka ka jaray qeybo kamid ah Puntland + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Kooxo hubaysan oo sheegay inay qabaan tabashooyin maxalli ah ayaa saaka jaray tuubooyinka khadka isgaarsiinta ee Fiber Optic Wireless ee shirkadda Golis, kuwaas oo mara degmada Burtinle ee gobolka Nugaal. Ficilladan ayaa si weyn u saameeyay adeegyada isgaarsiinta ee gobolka.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Burtinle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kooxdan ay si bareer ah u jareen fiilooyinka internet-ka. Tallaabadan ayaa sababatay hakad weyn oo ku yimid adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta ee ka jiray Galbeedka Nugaal iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Khadka la jaray ayaa ahaa mid si ballaaran looga isticmaalo degmooyin badan oo ka tirsan maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Mudug.

Bulshada ku tiirsan adeeggaasi ayaa wajahaya dhibaatooyin isgaarsiin oo hor leh, kuwaas oo saameeyay ganacsiga, isgaarsiinta deg-degga ah, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Dableyda weerarka qaaday ayaan weli la aqoonsan cidda ay yihiin si rasmi ah, balse wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan inay kooxdu ka cabanayaan arrimo ku saabsan adeegyada deegaanka iyo tabashooyin siyaasadeed ama bulsho.

Waa markii afaraad ee weerar noocan ah lagu qaado xarumaha muhiimka ah ee isgaarsiinta gobolka, waxaana muuqata in aysan jirin wax jawaab cad ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca maamulka Puntland, taasoo ka sii daraysa xasillooni darrada ka jirta deegaanka.

Maalmo kahor ayay ahayd markii rag hubeysan ay sidoo kale xireen isu socodka gaadiidka wadada weyn ee laamiga ah, taasoo ah isku xirka muhiimka ah ee gobollada dalka. Tani waxay muujinaysaa kororka falalka amni-darrada ee ka jira qeybo kamid ah Puntland.

Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujinaya kororka falalka noocan ah, iyagoo ugu baaqaya maamulka Puntland inuu si degdeg ah uga jawaabo una qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah, si loo sugo ammaanka loogana hortago carqaladaynta adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this