Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dabley hubaysan oo saaka xargihii internet-ka Golis ka jartay degmada Buurtinle

Recommended Posts

Deeq A.   
fiber-internet-installation.jpg?resize=1

Dabley hubaysan oo ka gadoodsan tabashooyin maxalli ah ayaa saaka degmada Buurtinle ee goholka Nugaal ka jartay xargaha internet-ka dhulka hoostiisa mara (Fiber optics) ee shirkadda isgaarsiinta Golis.

Dhammaan degaannada gobolka Mudug ayaa waxa saaka ka go’an adeegyadii iyo internet-kii shirkadda Golis, kaddib markii koox ka gadoodsan tabashooyin maxalli ah ay xargihii Fiber optic-ga Golis ka jartay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal oo adeega internetka u gudbisa Mudug.

Waa markii afraad oo tan iyo bilowgii sannadkan koox gadoodsan ay xargaha internet-ka dhulka hoostiisa mara ee shirkadda Golis ka jarto degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, islamarkaana ay saamayso adeeggii internet-ka degaanno badan oo ka tirsan gobolka Mudug, taasi aysan waxba ka qaban laamaha amniga degmadaasi.

Dhinaca kale, weli shirkadda isgaarsiinta Golis kama hadlin dhacdooyinkan ku soo noq noqday degmada Buurtinle oo ay kooxo tabashooyin degaan qabaa ku jarayaan adeegga internet-ka shirkadda Golis.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Dabley hubaysan oo saaka xargihii internet-ka Golis ka jartay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this