Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo shaacisay ajendaha gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, ayada oo sidoo kale shaacisay ajendaha rasmiga ah ee shirweynaha loo ballansan yahay.

Villa Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in ajendaha ugu muhiisam ee shirka soo socda uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iayada oo sheegtay in ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Waxaa kale oo shirkan diiradda lagu saaray u diyaar garowga gogosha uu iclaamiyay madaxweynaha, iyaga oo isku raacay in loo howlgalo si wadajir ah oo niyadsami leh, si loo wada toono talada uu soo bandhigay Xasan Sheekh Maxamuud.

“Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu socday kulanka waxa ay madaxdu isku dhaafsadeen warbixinno kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo howlgallada hadda socda.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo cadawga Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadawga arxanlaaweyaasha ah.

Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this