Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Kampala + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka dagay magaalada Kampala ee casimadda dalka Uganda, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Yoweri Museveni oo ay yeelan doonaan wadahadallo gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya iyo xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale booqashada Madaxwaynaha Soomaaliya ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, oo ay qayb ka tahay dowladda Uganda.

Sida qorshuhu yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Yoweri Museveni waydiisan doono taageero milatari oo ku aadan dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab oo hadda sii xoogeystay.

Uganda  ayaa waxaa ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxayna askarta ugu badan ku leedahay howlgalka AUSSOM oo sanadkan ka bilowday gudaha dalka, horayna waxay sidaas oo kale ciidamo badan ugu hoggaamineysay howlgalladii ka horreeyay ee ATMIS iyo AMISOM.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Kampala ayaa qayb ka noqonayo dadaallo kala duwan oo uu wado Xasan Sheekh, wuxuuna horay u tegay Turkiga iyo Jabuuti oo uu kala soo hadlay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa gudaha ka soconayo dadaallo kale oo waa wayn, waxaana madaxweynaha uu fidiyay gogol ballaaran oo u jeedkoodu yahay in loo midoobo Khawaarijta, sida ay goor sii horeysay oo maanta ah ay shaacisay Villa Soomaaliya.

“Ujeedka gogosha waxa uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan”.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta”.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay sii laba kacleeyay, kadib markii Al-Shabaab ay culeys soo saareen gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

FB_IMG_1743853665273.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1743853662952.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1743853661199.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1743853659362.jpg?resize=696%2C46

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this