Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaamac oo ku faanay inuu saxiixay 10 heshiis difaac, uuna galay 200 safar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo warbixin kooban soo saaray ayaa ka hadlay waxqabadkiisa, muudada uu hoggaamnayay wasaaradda difaaca ee dalka, isaga oo ku faanay inuu soo saxiixay illaa 10 heshiis difaac oo lala soo galay dalal kala duwan.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu muddada uu joogay lagu sameeyay isbedallo waa wayn oo ku saleysan aragtida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuna aadan aragti ah Soomaaliya ammaan ah, midaysan oo madax-bannaan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay inuu galay illa heshiis oo difaac iyo 200 oo safarro diblomaasiyadeed ah oo uu baxay dibadda.

“10 heshiis oo dafaac ayaanu soo galnay 200 oo safar diblomaasiyadeed ahna waan u baxnay, intii aan haya xilka wasiirka wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya” ayuu yiri

Waxaa kale oo uu tilmaamay in la dilay illaa 5,000 oo Al-Shabaab ah, kadib howlgallo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya oo loo tababaray in ka badan 20,000 oo askari, kuwaas oo haatan qayb ka ah howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

 Hoos ka akhriso nuxurka warbixinta:-

🔹 In ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan CXDS ayaa la tababaray

🔹 In ka badan 5,000 oo argagixiso Khawarij ah ayaa la diley

🔹 In ka badan 10 heshiisyo difaac ayaa la saxiixay

🔹 In ka badan 200 safarro diblomaasiyadeed ayaa la fuliyay

“Dhaxalkaani waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed ee diiday inay isdhiibaan” ayaa wasiirkii hore gaashaandhigga ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray.

Dhinaca kale, Wasiir Jaamac ayaa illaa iyo hadda aan xilka ku wareejin wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso, taas oo dhalisay hadal-heyn xoogan

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin.

Jaamac ayaa weli sii wata shaqada, waxaana dhowaan uu bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay xukuumadda Ankara.

Sidoo kale Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga.

488533625_1207220894302092_2597004102862

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this