Deeq A. Posted April 5 Galcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta deegaanno ka tirsan gobolkaasi ay ka dhaceen duqeymo culus iyo dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Duqeymaha oo ahaa kuwa xooggan ayaa waxaa lasoo wariyay inay ka dhaceen aagga degmada Galcad, waxaana lagu beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen xubnaa Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta gantaallada, waxaana lagu garaacay deegaanno ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd aagga degmada Galcad, waxaana sidoo kale jira khasaare culus oo la gaarsiiyay kooxda. Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dhashay weerarkan dhanka cirka ah ee ka dhacay gobolka Galgaduud, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale, dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa isna maanta ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo hoos yimaada degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana kadib qarxay dagaal toos ah. Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay guul wayn ka gaareen dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, ayna jab culus ku gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii wadi doonaan, isla markaana ujeedkooda uu yahay in Khawaarijta ay ka saaraan gobolka Galgaduud oo dhan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan Galmudug iyo HirShabelle , kadib markii ay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen maleeshyaadka Al-Shabaab oo la wareegay deegaanno horay looga xoreeyay. Share this post Link to post Share on other sites