Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta ninkii dilay Taliye Nuur Farey iyo natiijada baaritaanada hordhaca ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa sida uu u dhacay dilka Taliyihii guutada 14-ka October, G/Sare Nuur Farey oo maanta lagu toogtay aagga deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, geerida sarkaalkaas muhiimka ah ayaa gilgishay dalka oo dhan.

Ninkii ka dambeeyey dilka Taliyaha ayaa la xaqiijiyey in uusan aheyn askari ka tirsan ciidamada qaranka, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay ay deganaayeen ciidan kale.

Taliyaha ayaa goortii la dilay ku sugnaa xerada guutada Cumar bin Khadaab, ninka dilay ayaa ka soo dhex baxay ciidankaas, wuxuuna ku lebisnaa tuutaha ciidamada xoogga dalka.

Ciidankii la socday Taliyaha la dilay ee guutada 14-ka October iyo ciidankii xerada loogu yimid ee guutada Cumar Binu Khadaab oo aan is aqoonin ayuu ka dhex faa’iideystay ninka dilka geystay, wuxuuna toogtay Taliye Nuur Farey oo shir kula jiray saraakiisha kale ee guutadaas.

G/Sare Nuur Farey wuxuu ahaa sarkaalka ugu sareeya dhamaan ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dhex toogtay qol ku dhex yaallay xerada ciidamada guutada Cumar buni Khadaab, halkaas oo saraakiisha guutadaas uu kula shiraayey.

Ninka dilay Taliyaha ayaa dhaawacay Taliye kale, intaas kadib wuxuu isku dayey inuu baxsado, waxaa la dagaalamay ciidamadii goobta ku sugnaa, kuwaas oo labo kale uu ka dilay, iyaguna dilay markii dambe.

Intaas kadib meydkii Taliyaha, dhaawaca labo askari, hal sarkaal iyo meydkii dhagarqabaha dilka geystay ayaa diyaarad militeri looga soo qaaday xerada, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaaday natiijo hordhac ah.

Waxaa la garan waayey wajiga ninkii dilka geystay oo qeybaha sare ee jirkiisa rasaas badan lala dhacay, taasi oo shaki abuurtay, waxaa ciidanka lagu sameeyey tirakoob lagu ogaaday in ninkaas uusan askari dowladda u diiwaan gashan aheyn, sidoo kale waxaa la ogaaday in qoriga dilka lagu geystay aysan dowladdu laheyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta amar ku bixiyey in lasoo xiro ilaaladii taliyaha la dilay iyo dhamaan wixii ciidan iyo saraakiil goobta joogay, si baaritaan loogu sameeyo.

G/Sare Nuur Farey oo ahaa sarkaal qaali ah wuxuu heystay tababarro sare oo Turkiga, Talyaaniga iyo dalal kale oo waaweyn uu ku soo qaatay, wuxuu aad ugu dhowaa oo qaraabo iyo saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, oo soo saaray qoraal uu ku codsaday in baaritaan deg deg lagu ah lagu sameeyo ciddii ka dambeysay dilka Taliyaha.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this