Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Axmed Madoobe oo Nairobi ku tagay safar ay ogolaatay DF – Maxaa socda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay safiirrada dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in safarka Axmed Madoobe uu ku tegay Kenya ay ogolaatay dowladda federaalka Soomaaliya, oo hadda ka soo dabacday mowqifkii adkaa ee dagaalka Axmed Madoobe.

Waxaa suurtagal ah in Axmed Madoobe uu ka mid noqdo madaxda ka soo qeyb gelaysa gogosha wadahadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku baaqay, safiirrada beesha caalamka ayaa la sheegay inay dhexdhaxaadinayaan Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka.

Markii ay weji yeelato arrinta Axmed Madoobe ayaa la qorsheynayaa in la raadiyo Saciid Deni, keenidda hoggaamiyaha Puntland waxaa Iyana ka shaqeyn doona xubnaha beesha caalamka.

Xasan Sheekh ayaa habeenkii ciidda ku baaqay gogol siyaasadeed oo wax faahfaahin aan laga bixin ilaa hadda ciidda kasoo qeyb gelaysa, balse wuxuu cadeeyey in hoggaamiyaasha siyaasadda iyo bulshada rayidka ay isugu imaan doonaan.

Sidoo kale, goorta iyo goobta ayaa la aaminsan yahay in dowladda federaalka ay shaaci doonto, markii go’aan laga gaaro arrimaha Jubbaland iyo Puntland ee quseeya kasoo qeybgalka gogoshaas.

Xasan Sheekh wuxuu habeenkii uu ku baaqay gogoshaan sheegay in looga hadli doono dagaalka Khawaarijta iyo masiirka siyaasadeed ee dalka, taas oo farxad gelisay dhamaan saamileyda siyaasadda oo si isku mid ah u soo dhaweeyey gogoshaas.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dalbaday faahfaahin dheeraad ah, sida cidda lagu casuumayo gogoshaas iyo waxyaabaha mudan in looga hadlo, balse hal arrin oo si weyn ay u soo dhaweeyeen ayaa aheyd in midnimo lagu wajaho dagaalka argagixisada.

Arrinta ugu xiisaha badan ee isha lagu wada hayo waa sida xal looga gaari doono khilaafkii dowladda federaalka iyo Axmed Madoobe oo gaaray gacan ka hadal dhiig badan ku daatay, waaran maxkamadeed iyo in Axmed Madoobe lagu shaabadeeyey inuu Shabaab yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this