Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo sheegtay inay dishay taliye ka tirsan ururka Xamaas ee koonfurta Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay Jimcihii in ay dileen taliyihii Xamaas Xasan Farhat ee gobolka Sidoon ee koonfurta Lubnaan.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa duqayn ka geystay magaalada dekedda leh ee Sidon ee dalka Lubnaan, waxaana Jimcihii lagu dilay xubin ka tirsan ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta, sida uu sheegay sarkaal Falastiini ah.

Milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyey weerarka waxayna sheegeen inay dileen taliyihii Xamaas, Xasan Farhat.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay wiil uu dhalay Farhat, oo xubin ka ahaa kooxda Falastiniyiinta, iyo gabadhiisa, sida uu sheegay garabka militariga ee Xamaas.

Garabka Milateriga Xamaas ee Ezzedine Al-Qassam Brigades, ayaa sheegay in Farhat lagu dilay gudaha gurigiisa oo ku yaalla magaalada Sidoon ee koonfurta Lubnaan, isaga iyo gabadhiisa oo shahiiday Jenan Hassan Farhat iyo wiilkiisa Xamza, oo sidoo kale xubin ka ahaa garabka milateri ee kooxda Falastiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this