Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka cabsi qaba weerarrada Yemen inay saameyn ku yeeshaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Mareykanka oo sheegay inay ka cabsi qabaan in weerarrada Yemen ay saameyn xun ku yeelan doonaan diyaargarowga ciidamada ee badweynta Hindiya iyo Pacific-ga.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa Jimcihii sheegay in cabsida laga qabo saameynta duqeymaha ka dhanka ah kooxda Ansar Allah (Xuutiyiinta) ee Yemen ay ku leeyihiin diyaargarowga ciidamada Mareykanka ee ku sugan badweynta Hindiya iyo Baasifigga “la buunbuuniyay,”.

CNN oo soo xigatay ilo-wareedyo aan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka cabsi qabaan in weerarrada Yemen ay saameyn xun ku yeelan doonaan diyaargarowga ciidamada ee badweynta Hindiya iyo Pacific-ga.

Wararka ayaa sheegaya in askartan ay ka xumaadeen hubka qaar ee loo adeegsaday Xuutiyiinta, maadaama ay muhiimad gaar ah u lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Shiinaha, waxayna sidoo kale ka cawdeen in loo adeegsaday hubka riddada dheer.

Shabakadda oo soo xiganeysa mas’uulkan ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in ay adag tahay in la ogaado tirada hubka u harsan xuutiyiinta.

Laakiin waxa uu intaa ku daray, “Wax walaac ah kama qabno isticmaalka hubka riddada dheer marka loo baahdo si kor loogu qaado waxtarkayaga.”

Dhinaca kale, ilo-wareedyadu waxay CNN u sheegeen in kharashka hawlgalka Maraykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta uu yahay ku dhawaad ​​hal bilyan oo doollar wax ka yar 3 toddobaad, “in kasta oo saameyntiisa xaddidan tahay.”

Waxay u badan tahay in ciidamadu ay u baahan doonaan inay dhaqaale dheeraad ah ka codsadaan Congress-ka si ay u sii wadaan weerarrada, iyagoo xusay in boqolaal milyan oo doolar oo rasaas ah loo adeegsaday weerarrada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this